Home » . » 21-sano ka hor filimka weyn Jeet sida uu Super Hit ku noqday

21-sano ka hor filimka weyn Jeet sida uu Super Hit ku noqday

Filimka Jeet wuxuu soo baxay 23-kii August 1996 wuxuuna noqday filim magac weyn, maamuus iyo maqaam ilaa hataan fanka Hindiya ka jiro ka tagay.

Jeet waxaa wada jileen xiligiisii Sunny Deol oo ahaa atoore awood badan lacagta uu sheegtana la siin jiray, Salman Khan oo ahaa atoore halgan ugu jiray inuu fanka awood ku yeesho iyo Karishma Kapoor oo bartamihii 90-maadkii madasha qabsatay markii Madhuri muuqeeda sii yaaranayay.

Jeet waxaa Director ka ahaa Raj Kanwar oo geeriyooday Febraayo 2012 halka Sajid Nadiadwala oo soo saare ka ahaa wuxuuna noqday filim Super Hit weyn kaasi oo ilaa haatan la xiiseeyo sheekadiisa wacneyd.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Jeet sida uu Super Hit ku noqday:

Xiliga la daawaday: 23 August 1996

Tiyaatarada laga daawaday: 235

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 7.25 crore

Lacagaha nadiifka ee uu keenay – 16.13 crore

Lacagtaan hadii maanta lagu jaan gooyo – 160.47 crore

Lacagaha guud ee uu keenay canshuurta ka hor – 27.45 crore

Tirada guud ee tikit u goosatay – 17-Milyan iyo 326,000 qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ku iibsadeen – xogtaas ma heli karno

Saami ahaan kooxda cajalaha qeybiyeen lacagaha ay heleen – 9.52 Crore

Lacagaha Uu Dib Usoo Celiyay Boqoleey Ahaan 131%

Natiijadiisa: Super Hit

Qiimeynta IMDb Rating: 5.6/10