21 September 2018 waa maalin lamaanihii hore Kareena iyo Shahid wada farxi doonaan iyo sababta

Lamaanihii hore Kareena Kapoor Khan iyo Shahid Kapoor waxay ahaayeen sidoo kale kuwo shaashada wacdaro xoogan kaga dhigeen ilaa haatana la jeclaan lahaa inay isla shaqeeyaan.

Arin xiiso badan ayaa shaaca laga qaaday oo ah in 21 September 2018 noqon doonto maalin Shahid iyo Kareena wada farxi doonaan oo ay farxadooda midoobi doonto.

Micanaha waxaa loola jeedaa 21-ka September Kareena waxay u dabaal dagi doontaa sanad guuradeeda 38-aad halka Shahid Kapoor isagana maalintaas tiyaatarada loo saari doono filimkiisa Batti Gul Meter Chalu.

Shahid iyo Kareena waxay jaceyl wada jilayeen intii u dhaxeesay 2003 ilaa 2007 balse nolosha ayay ku kala tageen haatana mid walbo qoys dhameestiran ayuu heestaa ama nolol kala duwan ayay abuurteen.

Balse saxaafada ayaa hadal heyntan cusub bilaawday ayagoo ciwaano kala duwan sameenayaan weliba qaarkood waxay leeyihiin 21-ka September maalin Kareena iyo Shahid wada daneyn doonaan.

Filimka Batti Gul Meter Chalu Shahid waxaa la jilayaan Shraddha Kapoor iyo Yami Gautam waxaana lasoo bandhigay goos gooskiisa fadlan markale hoos ka daawo:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*