Wareysi ay hada kahor Kajol kaga hadashay 22 sano kahor wixii dhacay intii ay duubeysay Filimka caanka ahaa Kuch Kuch Hota Hai waxay xidigtaan sheegtay in indhaha barareen sidee ilmo ama oohin isaga keyneysay muuqaalka u dambeya mashruucaas Classic-da ah.

16 October 1998 ayaa la daawaday Kuch Kuch Hota Hai waxaana wada jileen Shah Rukh Khan, Kajol, Rani Mukerji, Salman Khan, Anupam Kher iyo jilayaal kale oo badan waxaa Director ka ahaa Karan Johar oo kusoo caan baxay Filimkaan.

Waxaan soo helany wareysi hore oo Kajol ku sharaxday habka ay u sameeysay muuqaalka u dambeya Filimkaan ah ku tilmaamtay mid dhib badan.

“Waxaan ahaa gabar uu guursanaayo wiil aysan rabin midkii ay jecleedna heli karin duruuf aawged sidaa darteed waxaa la iiga baahnaa inaan indhaha ka ilmeeyo oo oohin iska keeno dareen qiirona muujiya si daawadayaasha indhahooda u ilmeyaan.”

“Saacado badan ayee nagu qaadatay muuqaalkaas indhahana wey i barareen oo wey i casaadeen sidaan oohin isaga keenay run ahaanti Karan (Johar) waa Filimsameye qibrad badan waxuu ogaa in dadka qiiro galin doono muuqaalkaas waana sababra dhamaanteena u ilmeynay waliba markaa SRK iyo ani is helno dad qaar ayaa si dabiici ah u ilmeyeen maba ilaawi karo muuqaalkaas.”

Kuch Kuch Hota Hai waxuu noqday All Time Blockbuster waana Filimka lacagaha ugu badan sanadkii 1998 soo xareeyay abaal marino badana lagu aruursaday.

Halkaan ka daawo qaar kamid ah sawirada mashruucan ee xusuus ahaan looga keydiyay:

Kuch Kuch Hota Hai turns 21 and these UNSEEN pictures will make you hum, 'Jaane wafaa hoke bekarar, barso kiya maine intezar'
09-1444396229-shahrukh-khan-kajol-unseen-photoshoot-for-kuch-kuch-hota-hai-1
09-1444396352-shahrukh-khan-kajol-unseen-photoshoot-for-kuch-kuch-hota-hai-5
9b0a1f3a9f098956acc5fa6b60a7fe2f
karan-johar-mos_101616064029
Screenshot-(263)
Screenshot-(266)
Screenshot-(267)
Screenshot-(265)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here