Jr NTR waa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan dalka India sido kalena waa atooraha waqtigaan ugu awooda badan koonfur India qaasatan shirkada Telugu ayuu awood aan caadi ahen ku heestaa xidigaan.

Waa jilaaga kaliya ee Telugu ah oo waqtigaan sameeyay 5 film kuwaaso 100 Crore ka badan Box-office-ka kasoo xareyeen inaba caadi ma aha xidigaan sida uu usoo karaar qaatay iyo taageerayaashisa oo soo fara bateen.

haddaba maanta waxaan ku hayaa xaqiiqooyin u gaara ah aktarkan NTR jr oo xiiso badan

1.Xirfada Dance-ga

N T Rama Rao Jr kaliya maahan actor wanaagsan laakiin sidoo kale waxa uu ka mid yahay aktarada ugu wanaagsan marka ay timaado qoob-ka-cayaarka ama Dance-ga isagoo leh Dance soo jiidasho leh.

iyadoo badnaa aan laysku helin inad noqoto aktar ku wanaagsan jiliinka iyo dance-ga Waxaan aktarkan lagu tixgeliyaa mid ka mid ah Aktarada ugu dance-ga Wanaagsna xiligan casriga ah kaliya maahan dhanka koonfurta ee dhamaan aktarada ugu caansan dalka india

2. Lambarka Nasiibkiisa

Sida laga soo xigtey dad ka ag-dhow aktarka Jnr NTR in aktarkan aaminsan yahay inuu nasiib u leeyahay  lambarka  9, isagoo hore u qaata calaamad lambarka 9 si uu fiirsado maadaama uusan rabin inuu nasiib darro ku dhaco.

isagoo Jacaylka nambarkas uu qabo waxa uu ka dhigtay lambarka baabuurkiisa waxaana dhamaan taargooyinka baabuurtiisa ay ka kooban yihiin lambarka 9

3. Xirashada Saacadaha Kala Duwan

Jnr.NTR marwalba wuxuu uu si weyn u jecel yahay inuu xirto saacado kala duwan oo qaali isagoo  jecel yahay inuu uruuriyo noocyo saacado oo kala duwan waxaana uu hadda ka hor sheegay inay midaas tahay dabeecadiisa isagoo si weyn u jecel inuu xirto saacadaha kala duwan sida Rolex iyo kuwa kale oo badan

waxaana uu sheegay inuu saacadahaas ay ka saacidaan inuu ilaaliyo waqtigiisa sida waqtiga uu la qaadanaayo qosykiisa iyo kan shaqada iyadoo mida kaliya aad sheegi karto uu yahay in NTR jr  inuu xiran yahay saacad cusub

4.  Qalbi Jileeca

aktarkan waxaa lagu tilmaama mid ah aktarada ugu naxriista dalka india isagoo jecel inuu xilli walba soo booqdo taageerayaashiisa xanuunsan waxaana ka mid inuu hadda ka hor uu joojiyay xilli uu xayeesiin u sameenaayay filimkiisa Badshah

isagoo xiligaas booqday mid ka mid ah taageerayaashiisa kaaso iska soo tuuray sar ka dib markii ay u suurta-geli waysay inuu la kulmo laakiin NTR ayaa isbitaalka ku booqday taageerahan si uu dajiyo marxaladiisa sidoo kale NTR waxa uu gacan weyn ka gaystaa barnaamijyada samafalka isagoo lacago badan ugu deeqay hay’adaha arimahas ka xeel-dheer

5. Taariikhda March 29:

iyadoo xariirka ka dhaxeeya NTR iyo March 29: ay tahay mid adag sababtoo March 29 NTR waxa uu la kulmay shil halis ah xiliga uu kasoo laabtay doorashada si uu xiligaas ula dabaal-dago dhalashada xaaskiisa laakiin waxa uu xiligaas la kulmay shil laakiin aktarkan sooma aysan gaarin dhaawac halis ah waana  dhacdo uusan hilmaami karin aktarkan

6. Jecaylka uu u qabo cunto karinta

NTR waa shaqsi jecel inuu markasta sameeyo cunooyin kala duwan maadamaa uu jecel yahay inuu xili walba uu raashin cuno isagoo mararka qaar jikada uu u galo qosykiisa si uu ugu sameeyo raashinka qadada iyadoo raashinka uu aadka u jecel inuu sameeyo ay tahay sida bariiska Baryaniga , malaayga nooca la shiilo iyo nooca raashin oo ay cunaan koonfurta

7. Aabe Wanaagsan

kaliya ninkan ma ahan dancer , aktar , cunto kariye sidoo kale waa aabo kaaso si weyn u jecel wiilkiisa Abhay Ram isagoo xili walba jece inuu waqti la qaato wiilkiisa isagoo la sheegaysta sidoo kalena mararla qaar waxa uu u kaxeeya magaalada

8. waxyaabaha uu xiiseeyo aktarkan

waxyaabo uu xiiseeyo aktarkan waa ay badan yihiin NTR waxa uu Sports ugu jecel yahay ciyaaraha sida Badminton iyo Cricket sidoo kale NTR waxa xiiseeya daawashada filimka ‘Dana Veera Sura Karna cabitaanadana waxa uu ugu jecel yahay watermelon juice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here