Mararka qaae adiga ayaaba dadnimo xumo ku eedeynaya lamaanayaashan marka aad maqasho inee mar xiriir soo lahaayen hadana kala tageen ileen waxay ahaayen kuwa isku fiicnaa inee is guursadaana u qalmeen balse calaf ayaa kala geeyay.

Waa 25-lamaane wadaageen inta la sheego xiriirada jaceylka Bollywoodka xana ma aheen xaqiiq ayee ahaayen xiliyo kala duwan waqti macaan ayee isla qaateen laakiin si xun ayee ku kala tageen isfaham dari soo kala dhex gashay aawged hoos kaga bogo qeybta 3-aad:

11-Dilip Kumar iyo Madhubala: lamaanahan waxay isku jeclaadeen duubista Filimka Mughal-E-Azam kadibna waxay noqdeen lamaane caan ah oo lawada ogaaday xiriirkooda balse Madhubala aabahed ayaa xiriirkan kasoo horjeestay Dilip-na wuu isaga baxay nolosha atiriishadan waliba iyadoo si weyn u jecel.

Dilip Kumar And Madhubala

12-Amitabh Bachchan iyo Rekha: Filimo badan ayee isla sameyeen 80-maadkii ayuuna xiriirkooda caan ahaa balse Big B xaasle ayuu ahaa caruurna wey u joogeen sidaa aawged Rekha inuu la sii socdo foolxumo ayee la noqotay waxuuna go’aan ku gaaray inuu isaga haro.

Amitabh Bachchan and Rekha

Dhanka kale Rekha ilaa iyo hads Big B jaceylka ay u qabto waa laga dareema noloshana kali ayee ku tahay wax caruur ahna ma dhalin.

Mithun Chakraborty iyo Sridevi: guri gooni ah inee daganaayeen xitaa waa la sheegay oo Mithun si qarsoodi ah u guursaday atiriishadan awooda ku heysan jirtay Bollywoodka xitaa waxaa la qoray xan ah in Sridevi uur qaaday balse xiriirkan is faham dari ayuu kusoo dhamaaday maadama Mithun xaasle ahaa caruurna u joogeen.

Mithun Chakraborty and Sridevi

Shahid Kapoor iyo Priyanka Chopra: Filimka Kaminey ayuu kasoo bilawday xiriirkooda kadib iskusoo dhowaanshahooda wuu batay iyo kulankooda laakiin xiriirkan ma ahen mid ujeedkiisa guur ahaa ee waqtiga inee isku lumiyaan ayee ku saaxiibeen mudo kooban markee wada socdeen oo ay kala caajiseen ayee safaaradaha kala qaateen.

Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone: waa xiriirkii Bollywoodka gil gilay 2008 ilaa 2012 aad iyo aad ayaa loo hadak hayey lamaanahan waxaana loo bixiyay lamaanaha ugu qurxoon Bollywoodka waqtigaas ileen saaid ayee isugu fiicnaayen bale Ranbir ayaa ka tagay nolosha Deepuu waxuuna ka raacay Katrina Kaif oo iyadana Salman Khan kasoo goosatay.

Ranbir Kapoor and Deepika Padukone

Lasoco Qeybta Xigta…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here