Mararka qaae adiga ayaaba dadnimo xumo ku eedeynaya lamaanayaashan marka aad maqasho inee mar xiriir soo lahaayen hadana kala tageen ileen waxay ahaayen kuwa isku fiicnaa inee is guursadaana u qalmeen balse calaf ayaa kala geeyay.

Waa 25-lamaane wadaageen inta la sheego xiriirada jaceylka Bollywoodka xana ma aheen xaqiiq ayee ahaayen xiliyo kala duwan waqti macaan ayee isla qaateen laakiin si xun ayee ku kala tageen isfaham dari soo kala dhex gashay aawged hoos kaga bogo qeybta 4-aad:

Sidharth Malhotra Iyo Alia Bhatt: lamaanahan 2012 ayee xiriir sameysteen balse ma noqon mid waara oo natiijo fiican ka miro dhaliya dhamaadkii 2016 ayee kala tageen inkastoo la sheegay Sidharth ilaa hads inuu rabo Alia oo xili hore qalbigeeda siisay Ranbir Kapoor.

Sidharth Malhotra and Alia Bhatt

Bipasha Basu Iyo Dino Morea: intii ay John xiriirka la laheed ayee is barteen Dino oo Filimka Raaz isla sameyeen waliba Bipasha waxay damacday inee John kasoo tagto balse murqaaniga Bollywoodka midaas waa aqbali waayey waxuuna Dino ka fogeeyay nolosha Bipasha.

Dino Morea and Bipasha Basu

Harman Baweja Iyo Priyanka Chopra: Kadib markee wada sameyeen Filimka Love Story 2050 waxay noqdeeb lamaane is fahma laakiin PeeCee dooq maba laheen xiligaas mudo yar kadib nolosha atoorahab wey ka baxday waxayna ka raacday Shahid Kapoor.

Harman Baweja and Priyanka Chopra

Abhishek Bachchan Iyo Karisma Kapoor: Xitas faraanti galiskooda wuu dhacay waxaana lasugaayey arooska oo taariikh loo qabtay balse waxaa isku dhaceen reer Kapoor iyo reer Bachchan halkaas ayuuna ku bur burat faraanti galiska lamaanahan dadka iska dhex doorteen mid walbana calafkiisa ayuu raadsaday wuuna helay.

Karisma Kapoor and Abhishek Bachchan

Akshay Kumar Iyo Raveena Tandon: waxaa la sheegay inuu si qarsoodi ah u nikaaxsaday xidigtaan bartamihii 90-maadkii guri gooni ahna wey daganaayee balse Akki hal gabar kuma ekeen damaciisa badnaa aawged Raveena wey u dulqaadan weysay dhamaadkii 90-kii ayeena si rasmi ah kaga hartay noloshiisa.

Akshay Kumar and Raveena Tandon

Lasoco qeybta ugu dambeysa maqaalka…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here