Mararka qaae adiga ayaaba dadnimo xumo ku eedeynaya lamaanayaashan marka aad maqasho inee mar xiriir soo lahaayen hadana kala tageen ileen waxay ahaayen kuwa isku fiicnaa inee is guursadaana u qalmeen balse calaf ayaa kala geeyay.

Waa 25-lamaane wadaageen inta la sheego xiriirada jaceylka Bollywoodka xana ma aheen xaqiiq ayee ahaayen xiliyo kala duwan waqti macaan ayee isla qaateen laakiin si xun ayee ku kala tageen isfaham dari soo kala dhex gashay aawged hoos kaga bogo qeybta 5-aad:

Sanjay Khan Iyo Zeenat Aman: Lamaanahan 80-kii ayuu xiriirkooda xoogana soona shaac baxay balse Sanjay waxuu ahaa nin xaasle ah oo 3 caruurna u joogeen maalin walbana Zeenat waxay ku qabsan jirtay in xaaskiisa uu furo caruurtiisana kasoo tago dood badan kadib maalintii dambe iyada ayuuba u gacan qaaday weyna kala tageen ugu dambeyn.

Sanjay Khan and Zeenat Aman

Govinda iyo Rani Mukerji: Dhamaadkii 90-kii ayee is barteen bilawgii qarnigaan wada shaqeyntooda ayaaba bilaawatay waxay noqdeen lamaane hadal heyn dhaliyaan Govinda qarash badan ayaa kaga baxay Rani sida aqal ayuu u iibiyay, faraanti dheyman oo uu u gaday iyo gaari qurux badan balse xaaskiisa ayaa xiriirkan ka hortimid waxaana Govinda la kala dooransiiyay inuu reerkiisa iyo caruurtiisa ku ekaado ama Rani uu u go’o sidaas ayuuna kaga haray Rani-dii uu jeclaaday.

Govinda and Rani Mukerji

Shatrughan Sinha iyo Reena Roy: Canjeex ayaa qiyaano jaceyl ku sameeyay gabadhaan maadama guur ay ku balameen balantiina uu kaga baxay waxuuna guursaday Sonakshi Sinha hooyaded waxayna u dhashay Sonakshi xantii waagii hore la qori jiray waxaa kamid ah in Sonakshi Sinha hooyaded Reena Roy tahay.

Guru Dutt iyo Waheeda Rahman: xiriirkooda waxuu noqday mid caan ah inee is guursadaan ayeena ku dhowaadeen balse dabeecadooda ayaa kala geysay oo wey isfahmi waayeen ugu dambeyna safaaradaha ayee kala qaateen.

Guru Dutt and Waheeda Rehman

Sunny Deol iyo Amrita Singh: lamaanayaashoi ugu caansanaa beri samaadkii ayee kamid ahaayeen qoyska Deol ayaa xiriirkan ka hor imaadeen waxaana Sunny loo guuriyay gabar lagu magacaabo Pooja halka Amrita sanado kadib ay guursatay Saif Ali Khan oo wiil yar ah 10 sano ka badana ay ka weyneed….

Sunny Deol and Amrita Singh

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here