Mararka qaae adiga ayaaba dadnimo xumo ku eedeynaya lamaanayaashan marka aad maqasho inee mar xiriir soo lahaayen hadana kala tageen ileen waxay ahaayen kuwa isku fiicnaa inee is guursadaana u qalmeen balse calaf ayaa kala geeyay.

Waa 25-lamaane wadaageen inta la sheego xiriirada jaceylka Bollywoodka xana ma aheen xaqiiq ayee ahaayen xiliyo kala duwan waqti macaan ayee isla qaateen laakiin si xun ayee ku kala tageen isfaham dari soo kala dhex gashay aawged hoos kaga bogo qeybta kowaad:

Salman Khan iyo Aishwarya Rai:

Salman Khan and Aishwarya Rai

Waa qasab liis walbo oo noocaan kale ah inee u horeyaan Salman Khan iyo Aishwarya Rai sababto ah majiro xiriir ka caansan oo lamaane Bollywood wadaagen jaceyl wanaagsan ayaa dhexmaray 4 sano kudhowaad ayee isla socdeen 2002 dhamaadkeeda ayee safaaradaha kala qaateen.

Waxaana lagu kala tagay isfaham dari iyo Aish oo Sallu ku eedeysay dabeecad xumi midaasna kaliftay inee isaga baxdo noloshiisa.

Salman Khan iyo Katrina Kaif:

Dhab ahaantii Katrina ayaa ka tagtay nolosha Sallu waxayna ka raacday Ranbir Kapoor sabab ay oga tagtay ama ku dhibsatay lama oga laakiin waxaa la ogyahay inuu qalbiga ka xaday Ranbir Kapoor sidaasna noloshiisa ugu biirtay balse Salman iyo Katrina ilaa hada waa saaxiibo shaqo wadaag ah.

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif:

Ranbir Kapoor and Katrina Kaif

Wey ka qoomameysa marwalba inee Salman meel cidla kaga tagtay Ranbir na ka raacday sababto ah riyade ka sugeysay Ranbir inuu u rumeyo wuu u sameyn waayey xiriir wada noolaansho ah ayee lahaayen markii dambena waa lakala tagay isfaham dari aawged.

Ranveer Singh iyo Anushka Sharma:

Anushka Sharma and Ranveer Singh

Lamaanahan waxay isku jeclaadeen intii ay duubayeen Filimka Band Baat Baaraat mudo seddex sano ah ayee wada socdeen laakiin halmar ayaa isfaham dari soo kala dhex gashay waxayna ku heshiyeen qof walba lamaane cusub inuu raadsado oo ay labadooda kala tagaan.

Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor:

Kareena Kapoor and Shahid Kapoor

Kareena ayaa ka tagtat nolosha Shahid sababtana waa buuqooda oo batay Shahid waxaa lagu xaman jiray Bebo atiriishada ay la xifaaltano ee Priyanka Chopra sidaa aawged Kareena waxay raacday Saif Ali Khan oo mudo dheer daba socday.

Lasoco Qeybta Xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here