Sanadkii 2017dii abaal marinta National Award qeybta atooraha ugu fiican waxaa ku guuleystay Super Star Akshay Kumar kadib markuu dadka kaga yaabsaday doorkiisa filimka Rustom.

Balse durba ku guuleysiga Akshay ee biladaan ayaa hadal heyn abuurtay waxayna hadal heyntaan salka ku heysay hadii Akshay Kumar u qalmay inuu ku guuleysti biladaan iyo hadii kale taasoona siweyn kaga careysiisay jilaagaan.

Akshay Kumar oo diidanaa inuu muran la galo saxaafada qaar sidoo kalana hadalka usoo koobayay ayaa yiri: “Waxaan filim jilista qeyb ka ahaa in kabadan 25 sano, waxaana arkay mudadaas in sanadkasta marka uu jilaa abaal marintaan ku guuleysto ay dooda ka bilaabaneyso hadii uu u qalmo iyo hadii kale, aniga waxaan ku guuleystay biladaan 25 sano oon shaqo adag ku jiray kadib, hadaba qofkii u arka in aanan biladaan u qalmin gabi ahaanba wuu ceshan karaa”.

Dabcan Akshay Kumar ayaa ka xanaaqay in aan xitaa lagu qiimeynin inuu mudo dheer fanka ku jiray isla markaasna shaki laga galiyay biladii ugu horeysay ee National Award ee uu ku guuleysto.

Filimka Rustom Barvi ee uu Akshay biladaan ku qaatay sanadkii 2017dii ayaa Super Hit noqday waxayna sheekadiisa salka ku heysay sargaal ciidanka bada India ka tirsanaa laguna magacaahi jiray Kawas Manekshaw Nanavati kaasoo dil u geysanaayo nin ay naagtiisa xiriir qarsoodi la yeelaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here