Shilpa shetty iyo kooxda baazigar ayaa u dabaal-dagaya 25 sano guurada kasoo wareegatay goortii la daawaday filimkaas waana filimka ay kusoo caan baxday

Shilpa ayaa sheegtay inay si fiican u xasuusato muuqaalka uu shah rukh khan iyada kasoo tuurayo dhismaha shilpa ayaa hadda ku sugan magaalada Mumbai

Shilpa oo ka hadlaysay muuqaalkaas ayaa tiri waa markii ugu horeesay ee aan shaashada horteeda ku sameenayay muuqaal dhimasho ah waxaana markii hore ahaan mid naxsan

laakiin Shah rukh khan ayaa ayaa i dhiiri-geliyay si aan u muujiyo geesinimo iyadoo midaas si weyn ay isaga kaga mahad-celinayso

laakiin shilpa ayaa sheegtay iyadoo kaftamaysa inaysan shah rukh khan u tagi-doonin isagoo jooga dhismo dheer madaama ay sheegtay inuu kasoo tuuraayo waana hadalo kaftan ah

waxaana muuqaalkaas uu noqday mid saamayn weyn ku leh filimkaas Baazigar waxaa la daawaday sanadkii 1993 waxaa director ka ahaa ninka lagu magacaabo abbas mustan waana markii ugu horeesay ee Shah Rukh khan uu jilaayay door xumaan ah isagoo filimkaas ku qaatay aktarka sanadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here