Geerida waa xaq lagu leeyahay qof walba ama muslim ha ahaado ama gaal waalawada dhimanayaa cid hareyso majirto dad caan ah markee tagaan ayaa si weyn dunida looga buun buuniya aadna loo wad wadaa in mudo ah.

Sababtana waa in magacooda iyo muuqooda dunida ku faafay qof walba si uu u ogaado ayaana loo faafiya marka aan usoo laabano xidigihii kasoo shaqeyeen fanka hindiya ee geeriyoodeen wey fara badan yihiin sanadkii 2019 kaliya 25 xidig caan ahaayen maqaamna gaareen ayaa geeriyoodeen.

Hoos kaga bogo liiska xidigahan iyo sawiradooda:

Pappu Polyester: waa jilaa aflaamta kasoo muuqan jiray waxuu kasoo muuqday Filimada sida Badal, Mann, Phir Bhi Dil Hai Hindustani Jodha Akbar iyo kuwa kale oo badan 5 Febraayo 2019 ayuu geeriyooday.

Vijay Bapineedu: wa Filimsameyw koonfur India kasoo jeeda aflaam badana sameeyay ilaa bari samaadkii xidigihii uu lasoo shaqeeyay waxaa kamid ah Chiranjeevi 12 Febraayo 2019 ayuu gurigiisa ku geeriyooday.

Raj Kumar Barjatya: waa qarash gareeye caan ah oo maalgaliyay aflaam Classic sida Hum Aapke Hain Koun, Hum Saathi Saathi Hain, Vivaah iyo kuwa kale 21 Febraayo 2019 ayuu geeriyooday kadib wadna xanuun kusoo booday xili subax ah.

Kodi Ramakrishna: 100 Filim kabadan ayuu Director ka noqday kuwaaso koonfur u badan asal ahaantiisana waa koonfur waxaa la sheegay isagoo qaliin lagu sameynayo inuu geeriyooday dhanka caloosha qaliin ah 22 Feb 2019.

Veeru Krishnan: waa jilaa shaashada kujili jiray waxmatare doorarkiisa ugu badan sidaas ayee ahaayen marna dumar ayaa loo maleyn jiray doorkiisa ugu caansan waa Filimkii Raja Hindustani 7 Sept 2019 ayuu geeriyooday jilaagan isagoo 60 jir ah.

Lasoco qeybta 3-aad:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here