Geerida waa xaq lagu leeyahay qof walba ama muslim ha ahaado ama gaal waalawada dhimanayaa cid hareyso majirto dad caan ah markee tagaan ayaa si weyn dunida looga buun buuniya aadna loo wad wadaa in mudo ah.

Sababtana waa in magacooda iyo muuqooda dunida ku faafay qof walba si uu u ogaado ayaana loo faafiya marka aan usoo laabano xidigihii kasoo shaqeyeen fanka hindiya ee geeriyoodeen wey fara badan yihiin sanadkii 2019 kaliya 25 xidig caan ahaayen maqaamna gaareen ayaa geeriyoodeen.

Hoos kaga bogo liiska xidigahan iyo sawiradooda:

Ramesh Bhatkar: waxuu ahaa jilaa reer Marathi ah sido kalena Filimada Hindiga wax kajilay 1949 ayuu dhashtay in kabadan 30 sano ayuu jilaa ahaa Filimkiisa udambeyay waxaa la daawaday 2019 wuxuuna ahaa The Accidental Prime Minister 70 sano isago jiro ayuu geeriyooday 4 Febraayo 2019 sabab la xiriirta inuu qabay cudurka Kansarka.

Mahesh Anand: jiilka maanta waxyae ayaa garanayaan balse jiilkii 90-maadkii sifiican ayee u yaqaanan ninkaan doorarka xumaanta aflaamta kujili jiray 13 Aug 1961 ayuu dhashtay 57 jir isagoo ah ayaa laga helay meydkiisa aqalkiisa 9 Janaayo 2019 waxaa la sheegay inuu qamri iska badin jiray sidaasna u dhintay wadnaha oo istaagay aawgii.

Veeru Devgn: waa aabaha dhalay Superstar Ajay Devgn waxuuna ahaa agaasimaha ugu weynaa sameeynta ficilada Action-ka 90-kii atoore uusan xiligaas la shaqeynin maba jiro 27 May 2019 ayuu geeriyooday waxuu qabay cudurka neefta oo uuu kudhibanaa markii dambena wadnaha ayaa istaagay cimrigiisana waxuu ahaa 85 sano.

Girish Karnad: wuxuu ahaa atoore, qoraa agaasime aflaam badan ayuuna sameeyay Filimkiisa udambeyay waxuu ahaa Tiger Zinda Hai (2017) 10 June 2019 ayuu geeriyooday oo mudo ayuu xanuunsanaa xubno badana eber ayee ahaayen xitaa TZH markuu sameynaayey caafimaadkiisa taam ma ahen.

Venu Madhav: jilaagan koonfur kasoo jeeda aflaamta shactirada ayuu kasoo muuqan jiray waxuu geeriyooday 25 Sept 2019 isagoo 39 jir ah beerka ayuuna ka xanuunsanaa qamriga oo uu badsan jiray aawged.

Lasoco Qeybta Labaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here