All Time Blockbuster waa darajada ugu sareyso uu filim Box Officeka ka gaaro mana jirto darajo ka sareyso oo uu filim gaari karo.

Filim kasta heerkaas inuu gaaro iska dhaafee atoorayaasha qaar ayaan wali filim heerkaas gaaray sameynin waliba jilayaal 30 sano ku dhawaad fanka ku jiraan ayaanan wali arkin sida Akshay Kumar iyo Ajay Devgan.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa xogta 12da filim ee darajadaas gaartay kuwaasoo keydka Box Office India ku jiraan anagoo waliba sida ay u kala weynyihiin usoo qaadan doono.

12-Dhoom 3;

Waxaa hogaamiye ka ah Super Star Aamir Khan wuxuuna noqday All Time Blockbuster asigoona filimkaan la daawaday 20kii December 2013dii asigoona soo xareeyay 260.63 crore balse hadii lacagahaas sicirka maanta lagu jaangooyo waa 286.51 crore.

Dhoom 3 wuxuu kaalinta 12aad kasoo galay 12da filim ugu weyn ee Bollywoodka sameeyeen 25tii sano u dambeysay kuwaasoo xogta Box Office India ku keydsan.

11-3 Idiot;

Waxaa hogaamiye ka ah isla Aamir Khan waxaana la daawaday 24tii December 2009kii asigoona filimkaan Box Officeka kasoo xareeyay 201.37 crore wuxuuna noqday filimkii ugu horeeyay ee darajada 200 crore gaaro.

Lacagahaas hadii sicirka maanta lagu jaangooyo waa 305.67 crore waxaana laga joogaa 10 sano.

Filimka 3 Idoit ayaa kaalinta 11aad kasoo galay 12da filim ugu waaweyn Bollywoodka sameeyeen 25tii sano u dambeeyay.

10-PK;

Waxaa hogaamiye ka ah isla Aamir Khan waxaana la daawaday 19kii December 2014tii sanad kadib markii Dhoom 3 la daawaday wuxuuna soo xareeyay 337.72 crore ayadoo lacagahaas sicirka maanta waxba iska badalin.

PK wuxuu kaalinta 10aad kasoo galay 12da filim ugu weyn Bollywoodka sameeyeen 25tii sano u dambeysay kuwaasoo xogta BOI ku keydsan.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here