29 jeer oo ay dhacday in atariishooyinka Hollywoodka laga soo bandhigo sawiro ay bilaa Mike Up yihiin.

0
666

Atariishooyinka aan filimada ka daawano noocey doonaan ha ahaadeene waxay si cad u adeegsadaan noockasta oo qalabka la isku qurxiyo kamid ah si ay kaamirada horteeda quruxdooda ugu soo baxdo isla markaasna soo jiidasho u yeeshaan.

Atariishooyinkaas inta badan waxay nagu indho sarcaadiyaan quruxdooda aan caadiga aheyn balse xaqiiqda ka dambeyso quruxdaas ayaa ah Mike Upka casriga ee haatan la adeegsado balse quruxda dabiiciga ee gabdhahaan waxaa ogaan karo qofkii bilaa Mike Up arko.

Hadaba halkaan waxaan idiin kuugu soo qaadan doonaa 29 sawir oo laga soo bandhigay atariishooyinka Hollywoodka kuwaasoo bilaa Mike Up ah halkaan hoose kaga bogo qeybtii labaad.

21-Lily Collins.

Lily Collins without makeup

Atariishadaan ayaa hada kahor barteeda Instagramka soo dhigtay sawir ay bila Mike Up tahay inkastoo Mike Up khafiif ah iney isticmaashay laga dareemaayo waxayna muuqalka wajigeeda u ekeysiisay midka timaheed.

20-Zendaya.

Zendaya without makeup

Atariihsda filimka The Greatest Showman ayaa hada kahor barteeda Instagramka soo dhigtay sawir ay bilaa Mike Up tahay.

19-Gina Rudriguez.

Gina Rodriguez

Atariishada taxanaha Jane The Firgin ayaa muuqaal ay iska soo duubtay soo dhigtay barteeda u gaarka ah waxayna jamaahiirteeda u sheegtay in muhiim tahay qof kasta inuu aqbalo sawirkiisa saxda ah ayadana ay ugu dambeyn muuqaalkeeda saxda ah aqbashay ayna dareemeyso iney xor tahay hada kadib.

18-Naomi Watts.

Naomi Watts صهفاخعف ةشنثعح

Atariishadaan ayaa hada kahor sawiro laga soo bandhigay xili ay bilaa Mike Up aheyd.

17-Eva Longoria.

Eva Longoria without makeup

Atariishada taxanaha Desperate Housewives ayaa 2016dii barteeda soo dhigtay sawir ay bilaa Mike Up tahay kaasoo siweyn kaga duwan muuqaalkeeda markii ay Mike Upka marsato waxaana atariishadaan sawirkaan ka raacay hadal heyn weyn.

16-Lea Michele.

Lea Michele without makeup

Sawiro ay soo dhigtay dhamaadkii 2018dii ay u muuqatay in sanadkaas ku macsalaameysay Mike Up la’aan xili atariishada taxanaha Glee ay quruxdeeda dabiiciga banaanka usoo baxday.

15-Lena Headey.

Lena Headey without makeup

Sanadkaas dhexdiisa ayay atariishada taxana Game of Thrones muuqaal ay bilaa Mike Up tahay soo dhigtay barteeda Instagramka waxaana ka raacday fadeexo iyo in siweyn loogu maadsado foolxumada u qarsoon xili atariishadaan qudheeda aysan ka aamusin arinkaan ayadoona jawaab ka bixisay balse jawaabtaas ma noqon mid muuqaalkeeda bilaa Mike Uoka wax ka badashay.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here