29 jeer oo ay dhacday in atariishooyinka Hollywoodka laga soo bandhigo sawiro ay bilaa Mike Up yihiin.

0
1428

Atariishooyinka aan filimada ka daawano noocey doonaan ha ahaadeene waxay si cad u adeegsadaan noockasta oo qalabka la isku qurxiyo kamid ah si ay kaamirada horteeda quruxdooda ugu soo baxdo isla markaasna soo jiidasho u yeeshaan.

Atariishooyinkaas inta badan waxay nagu indho sarcaadiyaan quruxdooda aan caadiga aheyn balse xaqiiqda ka dambeyso quruxdaas ayaa ah Mike Upka casriga ee haatan la adeegsado balse quruxda dabiiciga ee gabdhahaan waxaa ogaan karo qofkii bilaa Mike Up arko.

Hadaba halkaan waxaan idiin kuugu soo qaadan doonaa 29 sawir oo laga soo bandhigay atariishooyinka Hollywoodka kuwaasoo bilaa Mike Up ah halkaan hoose kaga bogo qeybtii koowaad.

29-Jaime King.

Jaime King without makeup

Atariishadaan gabi ahaanba ma aaminsana Mike Up iwm mana isticmaasho inta badan waxayna goobaha bandhigyada iwm ku tagtaa auadoo bilaa Mike Up ah sidoo kale waxay aaminsantahay in Mike Upka o la iska badiaa joogtana loo adeegsadaa ay sababto in quruxdii dabiiciga aheyd ee gabadha laheyd meesha ka baxdo.

Jamie King sidoo kale Mike Up la’aanta wax saameyn ah quruxdeeda kuma yeelan waayo waxay adeegsataa rootiin nooc kale oo ay quruxdeeda ku ilaashato.

28-Diane Kruger.

Diane Kruger without makeup

Diane waxay lamid tahay Jamie King mana aaminsana Mike Up iwm balse inta badan bilaa Mike up ayay socotaa.

27-Katie Holmes.

Katie Holmes without makeup

Atariishadaan ayaa sawiro soo dhigtay barteeda Instagramka xili ay bilaa Mike Up aheyd waxaana kamid ah sawirka sare..

26-Zoe Saldana.

Zoe Saldana without makeup

Atariishadaan wax farqi weyn uma dhaxeeyo xiliga ay Mike Upka marsantahay iyo xiliga kale ayadana sidoo kale ihtimaam weyn Mike Upka ma siiso waxayna sheegtay in ihtimaamka ugu weyn ay siiso timaheeda isla markaasna inbadan ku dadaasho.

25-Jennifer Garner.

Jennifer Garner without makeup

Atariishadaan ayaa sawiro laga soo bandhigay xili ay wadooyinka New York mareysay waxayna mar ay wareysi siineysay majalada Allura sheegtay in ahmiyada ugu weyn ay siiso isticmaalida kareemada jirka qoraxda ka celiya halkii ay Mike Up ku mashquuli laheyd.

24-Andie Macdowell.

Andie Macdowell without makeup

Atariishadaan waxay mudo 30 sano ah la shaqeyneysay shirkada agabka la isku qurxiyo ee L’Oreal waana mid aad ugu dadaasho in is qurxiso markasta balse hada kahor iyadoo California mareyso ayaa sawiro laga soo qabtay xili timaha xitaa u shanleysneen.

23-Bella Thorne.

Bella Thorne without makeup

Atariishadaan da’da yar misna 20 jirka ah ayaa sheegtay in aad ugu faraxsantahay midabka wajigeeda iyadoona intaas ku dartay in ay necebtahay isticmaal;ida Mike Upka waxayna hadalkaan tiri xili ay bilaa Mike Up aheyd.

Sidoo kale atariishadaan ayaa sicad uga hadasho dhibcaha madow ee wajigeeda leeyahay waxayna saxaafada uga jawaabtaa su’aalihi la xiriira arinkaas ayadoo sidoo kale xitaa baraha bulshada uga hadasho xili jilayaasha kale ee dhibcahaas madow wajiga kuleh inta badan aysan ka hadlin.

22-Bella Thorne.

Bella Thorne without makeup

Atariishadaan markale ayay iyadoo bilaa Mike up ah baraha bulshada kasoo muuqatay waxayna jamaahiirteeda tilmaan ka siisay muuqaalkeeda dabiiciga ayadoo waliba iska soo qaaday sawiro aad ay ugu dhaweysay wajigeed.

la soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here