Bollywood Khiladi Kumar Aka Akshay Kumar waa Superstar-ka kaliya ee Bollywoodka kujira kaaso kaligiis iyo kartidiisa Superstar isku gaarsiiyay dhamaan Superstar-da kale ee fanka soo mareen midba meel ayuu kutiirsanaa balse Akki waa atooraha kaliya Superstar noqday isagoon cidna ku tiirsaneen.

Lama uusan shaqeyn jirin shirkadaha waaweyn ee fanka Hindiya Filimada maalgaliyaan (Big Banners) mudo 29 sano ah, lama uusan shaqeyn jirin Filimsameyaasha waaweyn Bollywoodka (Big Directors) mudo 29 sano ah.

Ma uusan la imaan Filimo waaweyn waxna kuma lahana Hits-ka ugu waa weyna 29 sano lasoo dhaafay sidaasna waxuu ku noqday Superstar waa arin cajiib ah waa wax aan indhaha laga qarsan karin Kumar sida uu usoo dhabar adeegay iyo maqaamka uu maanta is gaarsiiyay taageerayaashiisa waxay ugu magav dareen “29 years of Akkiwood.”

Xidigaan oo dhowaan ka hadlaayey Directors-ka waaweyn waxuu yiri,”aniga lama shaqeeyo Filimsameyaasha waaweyn sababto ah iyaga ima soo dalbadaan shirkadaha waaweyna lama shaqeyn jirin mana kamid ahi atoorayaasha Big Hitska sameyeen kadib markaa arkay ineysan idalbaneenin waxaan la shaqeyay Filimsameyaasha yaryar maanta heerkan ayaan soo gaaray.”

Akki Filimkiisa kowaad ee uu atoore buuxo ka noqdo waxuu ahaa Saugandh oo la daawaday 25 Janaayo 1991 kudhowaad labo todobaad kahor ayeena ku beegned dabaal daga 29 sano Kumar shirkadaan kujiro waa run inee jiraan atoorayaal isqaraabeysi ku imaaanin shirkada oo liis badan ayaa laga helaa xitaa Akshay kujiro.

Balse waxaa laga hadlaa atoore isku darsaday inuusan la shaqeynin Filimsameyaasha waaweyn, Big Hits sameynin, shirkadaha waaweyna la shaqeynin mudp 29 sano ah kaliya Akshay Kumar ayaa ah atoorahaas hadana Superstar noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here