Quruxda iyo soo jiidasha atoorayaasha inta badan lama qiimeyo oo waxaa bedelkooda aad loo qiimeeyaa atiriishooyinka balse saas ee tahay waxaan idiin heynaa qiimeyn hore oo dhacday iyo atoorayaasha ilaa hada liiska quruxda hindiya hogaaminayaan.

Guud ahaan taariikhda fanka hindiya 3 atoore ayaa loo aqoonsaday inee Top 3 yihiin ama seddexda atoore ugu soo jiidashada badan India guud ahaanteeda waxayna kala yihiin Dharmendra, Salman Khan iyo Hrithik Roshan.

Dharamji waxaad daawatay isagoo oday calool leh ah balse xaqiiq ahaan qurux siyaado ah ayuu lahaa bari samaadkii qaasatan markii lagu cabiro 60-maadkii iyo 70-maadkii waxuu ahaa atooraha ugu heystay dhanka quruxda xitaa ugu jir dhisan.

Hema Malini oo Dream Girl loo yaqiinay nin walbana ku hamin jiray ayuu Dharam kusoo jiitay quruxdiisa qalbiga ayuu ka xaday gabadhaan iyadoo yar waxaase run ah in Dharmendra 80-maadkii quruxdiisa nusqaabtay Da’diisana siyaaday .

Atooraha labaad waa Salman Khan kaaso 90-maadkii Bollywoodka atoorayaasha qurux ugu faani jiray ogow wajiga qurxan markii laga soo tago in lasii qiimeyo habka ninka jirkiisa u dhisan yahay Dharmendra iyo Salman midaas ayee ayee ka simnaayeen.

Qarnigan cusub markii la yimid atoore soo seddexeeya ayaa la helay labadan Superstars atoorahaaso ah Hrithik Roshan inaba caadi ma ahen HR sida uu u gil gilay Bollywoodka qurux ahaan, karti ahaan dhan walba bilawgii qarnigaan waa laga yaabay.

Jilayaasha kusoo xigaan Top 3-ga aan sarre ku magacaawnay:

Kumae Gaurav

Mithun Chakraborty

Vinod Khanna

Amitabh Bachchan

John Abraham

Abhishek Bachchan

Shah Rukh Khan

Varun Dhawan

Tiger Shroff

Ranbir Kapoor iyo kuwa kale…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here