Mega Power Star Ram Charan aflaanta marwalbo lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah filimka Classic ah ee hirgalay Yevadu (Kumaan Ahay?) kaasi oo sanadii 2014 la daawaday waa filim Hindiya iyo daafaha caalamka oo idil qabsaday marwalbana saameyntiisa taagan tahay. Haddaba waxaan idiin heynaa macluumaad aadan ka ogeyn filimkan marxaladaha uu soo maray oo hubanti ahaan ka heli doontaan.

Jilaayaasha filimka Yevadu: Ram Charan, Amy Jackson, Shruti Haasan, Sai Kumar, Ravul Dev, halka Allu Arjun iyo Kajal Aggarwal muuqaal marti ah xiiso badan ku lahaayeen.

Waqtiga tiyaatarada la saaray: 12 Janaayo 2014

Director: Vamsi Paidpally

Xaqiiqada 1-aad: Yevadu waxaa la sheegay in sheekadiisa laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Face/Off (1997) iyo labo filim Telugu ah Chhatrapati (2005) & Vikramarkudu (2006) oo uu labada filimba sameeyay Director S.S. Rajamouli inkastoo kooxda filimkan beeniyeen arinkaan.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkan waxaa shaaca laga qaaday 9 December 2011 waxayna duubistiisa soo idlaadatay 22 July 2013.

Xaqiiqada 3-aad: Ram Charan filimkan Yevadu iyo filimkiisa kale Zanjeer ayuu halmar isku dul duubayay sidaa darteed muuqaalada ama qaabkiisa labadan filim 100% wey isku egyihiin ama wey is shabahaan.

Xaqiiqada 4-aad: Waa filimkii ugu horeeyay oo ay Ram Charan iyo Allu Arjun isla jileen balse halmar shaashada kama soo wada muuqanayaan.

Xaqiiqada 5-aad: Filimkan markii shaaca laga qaadayay atirishada Samantha Ruth Prabhu ayaa hogaamiyaasha ka ahayd balse duubista oo meel dhexe mareyso ayay isaga baxday ayadoo is fahmi waayeen kooxda iska leh waxaana lagu badalay Shruti Haasan.

Xaqiiqada 6-aad: Filimka Yevadu intiisa badan waxaa lagu duubay Visakhapatnam (caasimda gobolka Andhra Pradhesh), Hyderabad, Switzerland iyo Bangkok.

Xaqiiqada 7-aad: Filimka Yevadu in ka badan 100-maalmood ayuu tiyaatarada saarnaa wuxuuna soo xareeyay 47.10 Crore ($6.58m) ganacsigiisii dibad iyo dal wuxuuna noqday Super Hit weyn.

Xaqiiqada 8-aad: Qaar ka mid ah muuqaalada ugu muhiimsan ayaa dib loo duubay markii duubista soo idlaatay madaama 4-sano shaqadiisa socotay si muuqaalada isugu eekaadaan taasina waxay sababtay in kooxda filimkan qarash xoog leh galaan.

Xaqiiqada 9-aad: Filimka Yevadu daawashadiisa waxaa lagu beegay xili ay jirtay feestada Sankranthi waxaana la saaray tiyaatarada 12 Janaayo 2014 balse 2-maalmood waxaa tiyaatarada kaga soo horeeyay Mahesh Babu filimkiisii 1: Nenokkadine laakiin midaasba waxba kama dhimin oo Ram Charan filimkiisa Big Hit ayuu noqday halka Mahesh filimkiisii ganacsi ahaan guul dareestay.

Xaqiiqada 10-aad: Filimka Yevadu dacwad xoogan ayuu la kulmay kadib markii uu hareer maray sharciga u dagsan wakaalada filimada Telugu iska leeyihiin ee ah 70% qolyaha ficilada halista ah sameeyaan iyo heesaha la qaadayo gadaal ka cayaaraan dadka deegaanka inay yihiin sidaa darteed Yevadu duubistiisa labaad marka lagu laabanayay waxaa lagu qasbanaaday dadka deegaanka in looga faa’iideeyo fursada jirtay waana xeer Telugu shirkadooda Tollywood ku dhaqmaan.

Dhamaad, Waa Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here