Manushi Chillar oo hader si rasmi ah oga mid noqotay shirkada Bollywoodka ayaa dib u gocotay xasuus horena gashay markee ku guuleysaneysay ama loo dooranaayey gabadha dunida ugu quruxda badan (Mss World) waxaynna dareymeysaa wali farxad iyo reen-reen.

Xidigtaan ayaa noqotay gabadhii 6-aad ee India kasoo jeeda taasoo noqotay mida dunida ugu quruxda badan taariikh ahaan inta jeer ee tartamada quruxd haweenka aduunka la qabtay waxaana kaga horeyeen gabdho ay kamid yihiin Aishwarya Rai iyo Priyanka Chopra.

Manushi oo arinkaan ka hadleysa waxay tiri,”sharaf iyo cizo ayee iitahay inaan noqday gabadhii lixaad ee hindiya ugu guuleystay quruxda haweenka aduunka sanado badan oo kale inee hindiya kusii guuleysato waan jeclaan lahaa 3-sano kahor iyo xafladii caleemo saarka wax aan ilaawi karo ma ahan.”

Manushi markee caan noqotay shirkada Bollywoodkana soo dhaweyn ka heshay waxay durba saxiixatay filimkeeda kowaad oo ay shaashada kala soo muuqaneyso Akshay Kumar waana mashruuca Prithviraj oo la sugaayo sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here