Prabhas Oo Kangana La Dagaalamay:

Sanadkii 2009 Prabhas iyo Kangana Ranaut waxay isla sameyeen filim lagu magacaabo Ek Niranjan waxaana la sheegay in ay afka ka dagaalameen oo ay dabeecad ahaan wada shaqeyn waayeen.

Si dhib badan ayee ku duubeen mashruucaan maadama intii filimka la duubaayey afka la murmeen waxaana u sabab ahaa dagaalkaas dabeecadahooda ii isfahmi waayeen markii 2017 Baahubali 2 la daawaday Kangana waxay sheegtay in mudo 8 sano ah iyada iyo Prabhas wax wada hadal ah dhexmarin khilaafkii 2009 kadib waxay kaloo ku amaantay Prabhas shaqada quruxda badan ee Baahubali 2.

Halkii Filim Ugu Yaraan 2 Sano Ayuu Ku Sameeyaa:

Jilaagan waxuu hader dabeecad ka dhigtay in halkii Filim uu duubo mudo 2 sano ah waxuuna mashruucaas noqdaa mid dheeli tiran oo dadka dhan wada jeclaadaan dib u milicso sanadkoo 2015 waxuu la yimid Baahubali 1.

Hadana 2 sano ayuu ku mashquulsanaa duubista Baahubali 2 oo la daawaday 2017 nasasho dheer ma uusan galin waxyaro nasasho ah ayuu Marekanka kusoo qaatay hadana horey ayuu ka bilaaway duubista Saaho oo 2019 la daawanaayo.

Marka Prabhas waxuuba noqday atoore hal Filim labo sano ku duubo laakiin filimkaas waxuu noqdaa midka ugu tayada wanaagsan sanadkaas Saaho-na midaas ayaa laga filaa jimcadan.

30 Gabdho Ka Badan Ayuu Arooskooda Diiday:

Waxaa la sheegay markuu duubista Baahubali 2 dhameeyay in reerkiisa u qorsheyeen guur iyo inuu aqal galo sidaa aawgeed waxaa bilaawatay in qaraabada gabdho looga xulo.

Mid sawirkeeda la tuso iyi mid toos loola kulansiiyaba iskudarka gabdhaha Prabhas arooskooda iska diiday waxaa lagu sheegay 30 gabdho ugu yaraan inee ahaayen amaba ka badan yihiin.

Intii uu fasaxa markekanka ugu maqnaa ayeena dhacday gabdhihii ugi badnaa uu arooskooda diido.

Haduu Intaas Gabdhood Diiday Waa Tuma Gabadha Lagu Xanto:

Atiriishada Anushka Shetty ee aflaam dhowr ah isaga la sameeysay ayaa hader lagu xantaa in xiriir kala dhaxeeyo waliba dhowr jeer ayaa arooskooda la naadiyay inuu dhici doono lamana oga xaqiiqada rasmiga ah ee xiriirkan ku aadan.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here