Salman Khan waxuu kamid yahay atoorayaasha dunida ugu caansan gudaha India marka laga hadlo waa atooraha ugu taageeraha badan halka daafaha caalamka Shah Rukh Khan ugu taageero badan yahay marka laga hadlo atoorayaasha India kasoo jeedaan.

Mega Star Salman Khan ayaa dhowaan Instagram-ka soo dhigay muuqaal uu iska soo duubay kaaso uu ugu mahadcelinaayo shacbiyadiisa baraha bulshada sidee u sare kacday waxuuna taageerayaashiisa kaga mahad celiyay heerka ay gaarsiiyeen isaga tirada shacbiyad ahaan.

Khan bartiisa Instagram-ka waxaa ku xiran in ka badan 30 Million dad ah wuxuuna gaaray darajada 30M shacbiyad ah Instagram-ka kaliya waana guul weyn usoo hoyotay xidigaan waana sababta ku kaliftay inuu hab muuqaal ah ugu mahadceliyo taageerayaashiisa.

Dhanka shaqada xidigaan waxuu ku mashquulsanyahay Filimkiisa dagaalka ah ee Radhe-Your Most Wanted Bhai oo ay la jilayaan Disha Patani Jackie Shroff iyo Randeep Hooda waxaana la daawan doonaa 22 May 2020 oo ciidul fitri ku beegan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here