Professor VN Parthiban wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda Chennai University ee dalka India, wuxuuna heystaa 145 shahaaho oo Academic Degrees ah.

Muddo 30 sanno ah ayey ku qaadatay VN Parthiban inuu helo 145 Academic Degrees ah, wuxuuna haatan caddeeyey in uusan qorsheyneyn inuu waxbarashada iska joojiyo.

Parthiban wuxuu bilaabay waxbarashadaan joogtada ah ka dib markii uu ku dhibtooday Waxbarashada Dugsiga sarre markiisii ugu horreysay, wuxuuna ku dhacay Imtixaanka kama dambeysta ah.

Wixii intaas ka dambeeyey Parthiban ayaa go’aansaday inuu raadsado Shahaadooyin leh dhibco ku filan, markii uu helay Shahaadada labaad ee dugsiga sarre wuxuu raadsaday mid seddaxaad, wixii intaas ka dambeeyey 142 shahaado oo Academic Degrees ah ayuu shaqeystay.

Parthiban wuxuu daaha uga qaaday wareysi uu siiyey majaladda Sunday Indian inuu barto koorsooyin kala duwan oo dhanka online-ka ah kuwaasoo isku waqti ah, wuxuuna shaqadaan waday 30kii sanno ee ugu dambeysay. Wuxuu haatan sheegay inuu isku diyaarinayo imtixaanno kusoo fool leh, isla markaana uu sii wadan doono codsiga koorsooyinka ha ahaadaan kuwo Academic Degrees ah ama Diploma Courses.

Liiska shahaadooyinka uu heysto Parthiban waxaa ka mid ah 3 Master of Science degrees, 8 Master of Law degrees, 8 Master of Commerce degrees, 9 Master of Business Administration degrees, 10 Master of Arts degrees, iyo 12 various research degrees!

Sheekada VN Parthiban waxay kusoo xusuusineysaa sheekadii Luciano Baietti, oo ah ninka heysta shahaadooyinka Jaamacadeed (Most University Degrees) waana 15 shahaado oo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here