Waxaa shalay idin la wadaagnay in gabadha yar ee Bollywoodka kucusub shaay galinki hore soo bandhigtay in si anshax xumo ah nin ula dhaqmay intii ay kuguda jirtay safarka Delhi iyo Mumbai udhaxeya.

Zaira ayaa shegtay intii diyaarada la saarna saq dhexe habeenimo inuu nin kursiga iyada kadambeay fadhiyay uu lugtiisa soosaartay garabkeeda iskuna dayey inuu gabadhan gacmo lasoo galo oo uu jirkeda taabto.

Zaira ayaa iskudayday inee ninka wajigiisa sawirto ama Video ka duubto balse uma suurto galin hase ahate waxay soo duubtay lugtiisa oo garabkeda saaran sido kalena Instagramka ayee soodhigtay.

Intaas kumey ekeenini markii ay diyaarada kaso dagtay ayee afka furatay xidigtaan ayadoo Airport-ga dhexdiisa video ay ku ooyneso instagramka markale soodhigtay waxayna kusharaxday dhibka kuqabsaday safareedii.

Hadaba ninka anshax xumadaas kudhaqmay ayaa ugu damben lasoo xiray waxaana laqorsheynaya in maanta ama bari maxkamada lahorkeeno si khaladkiisa loogu qaado.

Ninka ayaa lagu magacaabey in ladhaho Vikas Sachdev uuna 39 sano jiro waana nin da’ ahaan dhali karo gabadhan yar maadama y 18 sano jirto xidigtaan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here