marka aad india joogtid shaqada ugu fiican ee lacag laga samayn karo waa jilista aflaamta sababtoo ah waxaad arkaysaa shaqsiyaad guuleysanayaa sida Shah rukh khan, Amir khan iyo weliba salman khan kuwaaso saacad weliba ay soo gasho lacag fiican

sidoo kale waxa ay leeyihiin taageerayaal iyaga daacad u ah taaso suurta-gelisay inay in badan ay awood sii lahaadaan laakiin waxaa jira dhawr aktaro kuwaaso fanka bollywoodka usoo galay inay gaaraan heerkaas

laakiin markii ay muddo fanka ku jirayn waxa ay sameeyeen arrimo xun taaso sabantay inay  gacmahooda ku bur-buriyeen mustaqbalkooda aktarnimo maanta waxan ku hayaa afar aktar  oo caan ah kuwaaso gacmahooda ku bur-buriyeen waayahooda fanka bollywoodka

Sanjay Dutt

Sanjay Dutt ayaa dhawr jeer dhexda ka galay dhibaato waxaana midaas u keentay isticmaalka daroogasa asigoo 24-jir ah ayuu bilaabay inuu.qabatimo daroogada taasina ay sababtay in dhiigiisa xitaa daroogo noqdo noloshiisana waxay gashay xaalad halis ah.

Sunil Dutt ayaa ayaa bilawgii 80-maadkii ka naxay wiilkiisa Sanjay Dutt xaalada uu ku sugan yahay wuxuuna si deg deg ah ugu qaaday dalka Mareekanka si loo daaweeyo

Sanjay Dutt oo wajiyo kala duwan lahaa mar wuxuu noqday Super Star Bollywood-ka u qabtay bilawgii 90-maadkii ka dib sagxada hoose ayuu tagay maadamaa uu  xabsi  galay iyo markii lasoo daayay bartamihii 90-maadkii iyo dhamaadkiisii laakiin sanjay isma dhiibin

ka dib markii la galay bilowga qarnigan cusub aktarkan waxa uu sameeyay soo laabasho weyn isagoo mustaqbalkiisa fanka ku bad-baadiyay taxanaha filimka munna bhai kaaso ka dhigtay akar awoodiisa banaanka taalo isagoo xitaa hadda yahay aktar si weyn loo qadariyo isagoo hadda duubis ku wado aflaamo gaaraya 6

Monica Bedi

Monica Bedi atirishadaan Bollywood-ka ka tirsanaan jirtay ayaa waxa ay lugaheeda ku raad-satay dhibaato ka dib markii ay guursatay burcadkii ama gaangester-kii weynaa Abu Salem iyagoo  iskula baxsadeen dalka Portugal.

Laakiin booliska magaalada Lisbon ee dalka Portugal ayaa gacanta ku dhigeen Monica iyo Abu Salem madaama ay Passport iyo waraaqado been abuur ah Portugal kusoo galeen.

Monica Bedi labo sano oo xabsi ah ayay ku qaadatay dalka Portugal sanadii 2002 marka gacanta lagu dhigay sidoo kalena 5-tii sano ee lagu xukumay sedexda sane kale ee soo hartay gudaha Hindiya ayay ku qaadatay xukunkeedii

Shakti Kapoor

Shakti Kapoor waa mid kamid ah halyeeyda Bollywoodka ugu caansan ee doorar kala duwan shaashada kaga soo muuqan jiray ilaa 70-maadkii ilaa bilawgii qarnigaan waxuuna sameeyay filmo badan

Jilaagan caanka ah waxuu kasoo muuqday aflaam galmo oo anshax xumo ah bari samaadkii ilaa 90-maadkii ayuuna dhowr film kasoo muuqday oo aan xidignimadiisa u wanaagsanen halkaas ayeena ka bilaawatay ceebtisa.

Shakti Kapoor waxaa la sheegaa inuu sameestay guri qaas ah oo uu dumarka geesan jiray halkaaso dantiisa kaga bogan jiray atirishooyin badan ayuuna sharafkooda ku cayaaray xidigaan sida Indian Times sanadkii 2005 ka qortay

sido kale waxuu sameestay labo haween ah oo jirkooda ka ganacsadaan si ay daqli ugu soo xareyaan ceebta ugu weyn ee uu dhexda ka galay waxay ahed markii uu atirishooyin caan ah oo Bollywoodka katirsan uu galmo ka dalbaday inee la wadaagan.

Mumta kulkarni

Mamta atirisho weyn ayee ahed aqoonsi wacana heshay 90-maadkii balse waxa dilay xidigtaan ayaa ahed inee fariimo qaldan sameen jirtay ayadoo jilayaasha waa weyn la shaqeentoda ka leexatay.

Mamta aqoonsigii ay 90-maadkii heshay ayada ayaa iska lumisay filmadeeda oo guuldaro u bateen iyo shaqadeeda oo yareed marki dambena weyba ka fariisatay film jilista  Mamta Kulkarni iyo seygeeda Vivky Goswami ayaa lagu xiray Kenya

waxaana lagu soo eedeyay in ay ka ganacsadaan daroogada hada kahor sido kalena Vivky waa nin caan ku ah ka ganacsiga Drugs-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here