dadka waxaa alle uu uu siiyay muuqaal dabiici ah taaso ay dadka ka wada siman yihiin
iyagoo ku jira xiliga dhalin-yarada ayay u eg-yihiin kuwa duq ah

laakiin marka ay timaado in laga hadlo aktar muuqaalkiisa waa mid iska cad iyadoo aktarka ay xukunto da’da taasi isaga ku qasbaysa inuu dhinaca kale aado waana mid naadir ah laakiin waxaa jira aktaro door walba sameyn karaan kuwaaso ina dhahaya da’da xageena waxa ay ka tahay tiro la tiriyo

haddabe waa kuma aktaradaas

Anil kapoor  – 61

kani waa madaalaha bollywoodka anil Kapoor waa mid kamid ah halyeeyda bollywoodka loogu jecelyahay waqtigaana ka howl gala shirkada bollywoodka isagoo 60 sano da’diisa sare u dhaaftay.

xidigaan maqaamka sare fanka kasoo gaaray weli waa mid taagan oo doorar muhiim ah laga siiyo aflaamta isagoo aktaradii ku jiilka ahaa ay ka dhacayn baska

Jackie shroff – 61

Jackie Shroff waxaa laga xasuusan doona qaar kamid ah aflaamta taariikh ah ee uu xidigaan sameyay iyo waliba heeso caan ah oo uu 90kii iyo bilawgii qarnigaan jilay.

Jackie shroff waa aktar jira 61 sano kaaso weli ku guda jira aflaamta madaama uu weliu muuqdo si halgami karaa waana aktar kaaso bixi kara door walba aad u dhiibto Jackie shroff wax caqabad kalama uusan kulmin da’diisa taaso sii korortay

Akshay kumar  – 50 sano

madadaaliyaha bollywoodka Mr. Khiladi akshay kumar waa aktar la moodo inuu jiro 20 sano madaama aysan isku mid ahayn shaqada uu qabanaayo iyo da’diisa rasmiga

isagoo ah aktar kaliya ee awoodda inuu sanad walba sameeyo 4 filim ilaa iyo 5 filim isagoo sameyn kara doorarka sida laadarninada shactirada iyo actionka welina waa mid sii dagaalamaya

Suniel shetty  – 56 sano

Suniel Shetty ama balwaan waxa uu waayahiisa wacnaa soo qaatay 90s isagoo sameeyay aflaamo classic ah sida mohra Border, Dhadkan ,Hera phera iyo aflaamo kale oo badan

inkastoo dhawaanahan fanka laga waayay laakiin waxaala yaab ah inuusan u muuqan nin jira 56 sano marka aad fiiriso jir-dhismeedkiisa iyo muuqaalka wejigiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here