4 Atariisho Oo Caan Ahaayeen 90s Kuwaaso Maanta Ka Qurux Badan Xiligaas

si kastaba qof ka u xoog badan yahay ama u qurux badan yahay waxaa jirto hal caqabad taaso uusan ka dhuuman karin waana da’da

waxaana midaas markasta ay dhibaato ku tahay shaqsiyaadka caanka ah sida aktarada Bollywoodka maadamaa ay jecel yihiin inay xili walba iska qurux badnaadaan

haddaba waxaa maanta ku hayaa 4 Atariisho kuwaaso sheegayaan da’da inay tahay tiro maadaama ay weli leeyihiin  quruxdii lagu yaqiinay

Poonam Jhawer – 42 sano jir

Atariishadan 42 sano jirta ah waxa ay fanka bollywoodka soo gashay xiligii 90s iyadoo sidoo kale waxa ay ahayd gabar dharka xayeesiisa atariishadan waxa ay kasoo muuqatay aflaamo caan ah sida Mohra , OMG iyo aflaamo kale oo badan waxaana  atariishadan ay ku qurux badnaatay markii ay da’deeda weynaatay sida aad ka eegi karto sawiradan

Ritu Shivpuri

Ritu waxaa ay kasoo muuqatay aflaamo caan ah oo badan laakiin waxaa si weyn loogu xasuusta doorkeeda filimka Aakhein kaaso ay wadayn Govinda iyo Chunky Pandey atariishadan waa 44 sano jir balse Indhaha lagama qaadi karo quruxdeeda

Neelam Kothari – 49 sano

Neelam Kothari waxay kamid ahed atirishooyinka Bollywoodka loogu jeclaa 80-maadkii balse 90-maadkii hoos ayuu ayee udhacday magac ahaan iyo awood ahaanba

Atariishadan waxa ay kasoo muuqatay filimo sida Jawaani , Love 86 , Sindoor , Khudgarz iyo kuwa kale oo badan laakiin atariishadan meeshii ay kordhi lahayd da’deeda waxaana sii kordhaya qurixdeeda

Karishma Kapoor

Atariishadan ka hadal uma baahna maadama si weyn loo garanaayo waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu awoodda badan bollywoodka xiligii 90s Karishma Kapoor waa 45 sano jir laakiin weli waxa ay u muuqata gabar dhalin-yaro ah oo aad u qurux badan waana  sida aad ka eegi karto sawirada labada dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here