Qaar badan oo ka mid ah xiddigaha cusub ayaa dhawaan waxaa usoo bixi doona filimadooda ugu horeeyay Bollywood dhowaan, halka qaar kalena ay durba soo caan baxayn sida sara ali khan iyo Jhanvi Kapoor

iyadoo sanadahan dambe kaliya bollywoodka uu ku faa’ido shaqsiga samaynta ku dhex leh saxaafada kaaso xilli walba ay hadal-hayso sida atariishada ananya pandey taaso hore caan ka ka noqotay iyadoo xitaa aysan u soo bixin filimkeeda ugu horeeyay

taaso sababaysa inay hore ka hesho shacbiyad balaaran madaama dhawaanahan fanka india ay taageeraan dhalin-yaro taaso atariishadan u suurta-gelinaysaa inay aflaamta ka hesho daqli xoogan
 
maanta waxaa ku hayaa 4 atariisho ugu mushaarka badan bollywoodka kuwaaso ku cusub bollywoodka

Sara Ali Khan

cidna ma aaminsanayn in sara ali khan ay si dhakshi leh ku noqon doonto atariisho caan ah taaso la wada jecel yahay ka dib bandhigeeda labadeeda filim ugu horeeyay kuwaaso kala ah Kadernath iyo Simmba

waxa ay ka mid noqotay atariisho ay baadi-goobaan soo saarayaasha bollywoodka iyadoo hadda halkii filim ku samaysaa 1.5 crore

Jahnvi Kapoor

Gabadha ay dhalayn Sridevi iyo soo-saaraha caanka ah Boney Kapoor Jahnvi ayaa sanadkii hore waxa ay markii ugu horeysay kasoo muuqatay bollywoodka iyadoo kusoo caan baxday filimka Dhadak kaaso u la waday aktarka Ishan Khattar

iyadoo Sida laga soo xiganaayo wargeysyo badan, Janhvi waxa ay halkii filim ku qaadata lacag dhan 1 crore oo rupes ah

Tara Sutaria

Tara Sutaria waxa ay dhawaan usoo baxday filimka student of the year qaybtiisa labaad laakiin atariishadan ayaa durba waxa ay sii hashay saxiixa mashruucyo kale

sida filimkan Marjaavan kaaso la wado aktarka Siddhart Malhotra atariishadan ayaa hadda waxa halkii filim lagu siiya 85 lakh

Ananya Pandey

quruxleyda uu dhalay aktarka chunky  pandey ayaa durba caan ka noqotay gudaha bollywoodka iyadoo saxaafada ay xilli walba jecel yihiin inay wax ka qoraan nolosheeda gaarka ah ananya ayaa dhawaan waxa ay bilowga sanadkan kusoo caan baxday filimka student of the year qaybtiisa labaad

laakiin Atariishadan ayaa soo saare walba ka doonaysa inuu siiyo lacag dhan 80 lakh hadii ay filim u sameenayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here