Stylish Star Allu Arjun taageerayaashiisa faraha badan ayaa baraha bulshada heestaan 24-ka saac ugu dambeesay madaama ay siweyn u hadal hayaan in afar sano kasoo wareegatay markii la daawaday filimkiisii HIT-ka weyn noqday Sarrainodu.

Sarrainodu waa mashruuc uu Allu Arjun ku xarakeeyay dhan walbo kuna muujiyay Action-ka iyo xarakaadka inaan lagu gaarin waana mid ka mid ah aflaanta ugu sheekada wanaagsan sidoo kalena leh mada daalo dhameestiran oo ay Telugu ama Tollywood sameeyaan:

Jilaayaasha filimkan: Allu Arjun, Rakul Preet Singh, Catherine Tresa waxaana laadar ka ahaa Aadhi Pinisetty sidoo kalena Srikanth Meka ayaa door caawiye muhiim ah ku lahaa waxaana mashruucan maal galisay Allu Arjun shirkadooda Geetha Arts.

Director: Boyapati Srinu

Waqtiga la daawaday: 22 April 2016

Ganacsigiisa dibad & dal: 127.60 Crore (filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 2016 ee Telugu sameeyeen).

Waxaa lagu qarash gareeyay: 50 Crore

Saamiga qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen: 76 Crore

Qiimeyntiisa sheekada: 6.4/10 IMDb Rating

Filimka Sarrainodu wuxuu dhigay rikoor taariikhi ah markii Af Hindi lagu codeeyay oo shirkada Gold Mines barteeda Youtube-ka soo galisay 20-milyan oo qof ayaa daawaday asigoo noqday filim Koonfur Hindiya sameeyeen midkiisa Youtube-ka loogu daawasho badan yahay oo Af Hindi lagu codeeyay xiligaas.

Natiijadiisa rasmiga ah: Super HIT sidoo kalena in ka badan 50-maalmood ayuu tiyaatarada Koonfur Hindiya saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here