Rishi Kapoor ayaa mudo afar sano kahor ah dadka Soomaalida baraha bulshada ku Troll-gareeyay arinkaan ayaana maanta dad badan ogaadeen waana qoraal 4-sano kahor ahaa balse maanta la ogaaday.

2016 ayee ahed dadka qaar ayaa og laakiin Soomaalida baraha bulshada badankeed maanta ayee ka warheleen kadib markii dad qaar ay dib usoo xasuusteen oraahyadiisa hore kadib markee maqleen dhimashadiisa.

Hadaba maxay tahay waxa uu Soomaalida ka sheegay?

2016 waxuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka qoraal sidan udhigan,”Tartanka dabaasha Olympic-da aduunka natiijadiisa ayaa soo baxday England bilada dahabka ayay qaateen, Australia bilada qalinka halka Soomaaliya doontii qaateen.”

Nuxurka hadalkiisa ayaa ahaa inuu Soomaalida ku Troll-gareeyo inee yihiin kuwa burcad badeed ah sidaan wada ognahayna Rishi waxuu ahaa qof wixii qalbigiisa isaga soo dhava durba dadka la wadaagayey dadka Soomaalida ee bartiisa kuxirana marnaba kama aysan xumaan ee inuu kaftamaayo ayee u fahmeen.

Akhriste adiga maxay kula tahay Rishi Kapoor hadalkiisa 4-sano kahor ahaa ee maanta dib loo hadal qaaday kadib geeridiisa markii la maqlay kolay Troll yar ma ahan midkaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here