Waxaa meel xiiso badan maraayo taxanaha Hercai oo xalqada 29-aad si weyn loo wada sugaayo xili xalqada 28-aad meel macaan ku dhamaatay iyo waxa dhici doono oo la ogaan doono.

Hadaba warar hoose oo xan ah ayaa ku ogaanay siro badan oo taxanahan ku qarsoon waana macquul inee run noqdaan waxaa kaloo macquul ah inee been noqdaan oo xan kaliya ku ekaadaan.

Hadaba aan isla ogaano maxay yihiin wararkaan cusub iyo sirta la sheegaayo.

1-Miiraan hooyadiis Dilshaah wey nooshahay ma dhiman sida la sheegay waxaana jiro Miiraan wiil kale oo la dhashtay misane hooyadiis dhashay sido kale Omar wuu soo bixi doonaa sida la sheegay.

2-Sababta Zahra taxanaha looga saaraayo ayaa ah in Miiraan hooyadiis soo bixi doonto sidaasna ay isku heli doonaan Hazar iyo Dilshaah marka jaceylkooda sidaas ayuu kusoo laabana waana sababta Zahra taxanaha oga baxeyso sida la sheegay.

3-Wiilka Yaariin lagu daray waxaa soo dirsatay Caziiza waana laadar weyn oo manaxe ah Caziiza ayaana ka dambeysa marwalba oo ay Caziiza Taleefaanka ku hadli jirtay ninke la hadleysa inuu yahay ninka yaariin lagu daraayo ayaa la ogaaday sida la sheegay.

4-Sido kale qofka marwalba Caziiza warqadaha usoo qori jirtay ama dhambaalada usoo diri jirtay waa Miiraan Hooyadiis Dilshaah weyna nooshahay weyna soo bixi doontaa.

sir waa 4 sir ugu weyn taxanaha oo qarsoon maadama siraha kale hader is furfureen misane la ogaaday waxaana macquul ah in sirahan xan kaliya yihiin waxaase loo badina inee xaqiiq yihiin waanse ogaan doonnaa hadee wax walbo sidaa udhacaan.

Adiga ahaan maxay kula tahay akhriste hal iyo labo qodob tilmaam aad ku kalsoontahay inee xaqiiq noqon doonaan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here