Home » Nolosha Jilaayaasha » 40 Years of Muqaddar Ka Sikandar: Qodobo Kugu Kalifi Karaan Inaad Daawato Filmkaan Classic-da Ah Kaga Bogo Halkaan…

40 Years of Muqaddar Ka Sikandar: Qodobo Kugu Kalifi Karaan Inaad Daawato Filmkaan Classic-da Ah Kaga Bogo Halkaan…

Muqaddar Ka Sikandar waa mid kamid ah filmada ugu wanaagsan abid ee uu sameeyay Mega Star Amitabh Bachchan waa mashruuc guul taariikh ah gaaray sido kalena sheeko ahaan aad kuusoo jiidanayaao hadaa daawato.

Dabcan dad badan wey daawadeen maadama uu yahay film hore balse dadka qaar wali ma daawan sababo la xariira in aysan kahelin filmada bari samaadkii ahaayeen hadii aadan daawan Muqaddar Ka Sikandar hubaal ahaan mashruuc xiiso leh ayaa ku dhaafay.

Filmkaan waxaa wada jilayaan Amitabh Bachchan, Vinod Khanna, Amjad Khan, Raakhee, Kader Khan, Rekha iyo kuwa kale oo badan waxaa la daawaday 27 October 1978 mudo 40 sano ah ayaa kasoo wareegatay daawashadiisa.

Maxaa kugu kalifi kara in aad daawato mashruucan hader hadii aadan horey u daawan iyo hadii aad daawatayba…

Wada Shaqeenta Dahabiga Ah Ee Mr.Amitabh Bachchan Iyo Director Prakasha Mehra:

70-maadkii aad ayaa loo jeclaa inee film wada sameeyaan Amitabh Bachchan iyo Director Prakash Mehra maadama ay ahaayen kuwa guusha usaaxiibka ah mashruucan 1978 Bollywoodka ayee ku gil gileen ayagoo horey u wada sameyeen filmo ay kamid yihiin Khoon Pasina, Hera Pheri, Lawaaris, Namak Halaal, Sharaabi iyo kuwa kale.

Amitabh Bachchan iyo Vinod Khanna Wada Shaqeentooda Oo La Jeclaaday:

Inaba caadi ma aha markee shaashada wadaagan xidigihii bari samaadkii Amitabh Bachchan iyo VInod Khanna waa filmkooda 4-aad ee ay wada sameeyen xidigahan ayagoo filmkaan kahor wada sameyeen filmada kala ah Hera Pheri, Khoon Pasina, Amar Akbar Anthony iyo Parvarish.

Jaceyl Cajiiba Iskuna Dhex Qasan Waa Arin Kale Oo Xiiso Leh Loona Daawan Karo Filmkaa:

Filmkaan marka aad daawaneysid waxaad arki doonta qofba qofka kale inuu jecel yahay tusaale ahaan Amitabh Bachchan waxuu jecelyahay Raakhee, Amitabh Bachchan-na waxaa jecel Rekha halka Amjad Khan-na uu jecel yahay Rekha waa jaceyl dhinacyo badan leh.

Waa Mid Kamid Ah Filmada Amitabh Bachchan iyo Rekha Wada Sameeyen Kuwooda Ugu Wanaagsan:

Big B iyo Rekha waxay kamid ahaayen lamaanaha shaashada loogu jeclaa bari samaadkii ayagoo mashaariic Classic ah wada sameeyen filmakan waa film guul weyn gaaray Big Blockbuster-na noqday sidaa aawged waa mid kamid ah filmadooda ugu wanaagsan abid.

Fanaaniintii Bari Samaadkii Laga Dambeeyay Kishore Kumar Iyo Mohammed Rafi Ayaa Codkuleh Filmka:

Mashruucan fanaaniinta la wada jecelyahay ee Rafi iyo Kishore ayaa ku kulmeen hal hees ayeena wada qaadayaan taaso ah Rote hue aate taaso marka kowaad uu Amitabh Bachchan ku luuqeenayo mar labaadna Kishore ayaa qaadayaa hadana marka sedexaad Rafi ayaa Vinod Khanna u qaadayo muuqaalka Amitabh Bachchan geeriyoonayo waa muuqaalka ugu qiirada badan filmka.

,Music Wacan Iyo Heeso Qiiro Badan Ugu imaaw:

Mashruucan sheekadiisa kaliya ma wanaagsana bandhigay jilayaasha iyo Heeso qiiro badan ayuu leeyahay iyo Music aad u wanaagsan oo aad kaga bogan doonto…

One Response to 40 Years of Muqaddar Ka Sikandar: Qodobo Kugu Kalifi Karaan Inaad Daawato Filmkaan Classic-da Ah Kaga Bogo Halkaan…

  1. c.raxmaan

    October 29, 2018 at 11:29 am

    af somaligiisa mala helaa filmkan