Akin Akinozu doorkiisa taxanaha Hercai ee Miran wuxuu noqday mid Clasic ah siweyna looga helay asigoona door aad u dhib badan ku jilaayo taxanaha.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 5 arimood oo muujineyso sida Miran uu jaceylka ugu weynyahay isla markaasna uu u yahay aabaha jaceylka.

1-Miran wuxuu jeclaaday Reyyaan oo ah gabar uu dhalay ninka cadowgiisa ugu weyn ah misna dilay hooyadiis iyo aabihiis.

2- Miran aargoosiga wuu joojinaa markuu arko in Reyyan bari tahay misna la dulmiyay wuxuuna u jeclaanaa six ad dhaaf ah heer uu gaaro inuu markiisii ugu horeysay diido hadalka ayaydiis qorshaheeda aargoosina kahor yimaado.

3-Miran jaceylkiisa dartiis ayuu qofkasta u goynaa jaceylkiisa dartiis ayuuna cadowgiisa Hazar ula shaqeynaa jaceylkiisa dartiis ayuuna wax walba u sameynaa.

4-Hadii aad buurta ka dhacdo waan iska kaa soo daba tuuraa waa hadal uu Miran ku yiri Reyyan xalqadii koowaad ee taxanahaan taasoo uu ka dhabeeyay markii ay buundada iska tuurtay asigoona iska daba tuuray balse Azaad iskama daba tuurin waana arin muujineyso in jaceylka Azaad iyo kan Miran uu xooganyahay midka Miran.

5-Ugu dambeyn markii la tuhmay oo xitaa Reyyan nolosheeda ka saartay kama dabo harin wuxuuna u bareeray halis kasta asigoona qasrigeeda ugu tagay una sheegay in uusan ku noolaan Karin meel ay ayada ka maqantahay.

Waxaan sidoo kale wada ognahay in Miran si ay Reyyan u saamaxdo wado kasta u maray oo xitaa xabad ugu dhufatay afduubna u geystay waxaas oo dhana jaceylkiisa dartiis ayuu u sameynaa.

Sidoo kale Miran marnaba ma qiimeeyo ra’yiga ay dadka kale ka qabaan muhiimada koowaad wuxuu markasta siiyaa waxa ay Reyyan ka aaminsantahay  hadaba akhristow so lama dhihi karo jaceylka Miran uu Reyyan u qabo waa jaceyl weyn?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here