Laga soo bilaabo sanadii 1990 ilaa haatan xog ku saabsan 5-atoore ee hogaanka Bollywood-ka u hayeen xiliyo kala duwan ayaan idiin heynaa.

Warbixintaan waxaa la isugu xiray 10-sano ama nidaamka loo yaqaan Decade taasi oo ka dhigan in loo kala saaray 1990-1999, 2000-2009 iyo 2010-19.

Hadaba arinka xiisaha badan waxay tahay awoodaha Bollywood-ka atoorayaal kala duwan isku soo badaleen halka qaarkood awoodaha ilaa haatan taagan yihiin qaar kalena awoodooda 10-sano oo xili go’an ah ayay ku hartay.

5-Atoore Ee Ugu Awooda Badnaa Bollywood-ka Intii U Dhaxeesay 1990 – 1999: Shah Rukh Khan, Salman Khan, Aamir Khan, Sunny Deol iyo Govinda.

5-Atoore Ee Ugu Awooda Badnaa Bollywood-ka Intii U Dhaxeesay 2000 – 2009: Shah Rukh Khan, Hrithik Roshan, Aamir Khan, Akshay Kumar iyo Salman Khan.

5-Atoore Ee Ugu Awooda Baday Bollywood-ka Inta U Dhaxeyso 2010 – 2019: Salman Khan, Aamir Khan, Shah Rukh Khan, Akshay Kumar iyo Ranbir Kapoor.

Sedexda Khans 30-kii Sano Ee Ugu Dambeesay Safka Hore Kama Harin:

Salman Khan, Aamir Khan iyo Shah Rukh Khan marnaba safka hore kama bixin 30-kii sano ee ugu dambeesay 10-sano kasto waxay ka mid ahaayeen 5-atoore ee ugu awooda badan ilaa hadana wey ka mid yihiin.

Akshay Kumar isagana dadaal xoogan ayuu wadaa waayo labadii 10-sano ee ugu dambeesay (2000-09 & 2010-19) safka hore ayuu taagan yahay waana atooraha kaliya ee sedexda Khans la tartamaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here