Police-ka Mumbai baaritaanka intee kujireen waxay ogaadeen in Sushant xanuunsanaa 5-bilood udambeysay sido kalena uu daawooyin Depression ah qaadanaayey gurigiisa waxaa laga helay daawooyin noocaas ah sido kale waxay Police-ka heleen Documents arimahaas cadeynaayo.

Arinka layaabka leh ayaa ah in mudo 5-bilood qof Depression qaba maskax ahaana aan fadhinin niyad jab joogto ahna heysto wax walbana ku kici karo in lagu cidleeyay guriga oo qof la taliyo misane dajiyo markuu isku kaco ka akdhaweyna qoyskiisa, saaxiibadiis iyo dhamaan dadka yaqaanan Sushant qofna masoo xiriirin jirin kaligiis ayaa la cidleeyay.

Sushant iskama dhiman ee cidlo ayaa dishay garab la’aan ayuu ahaa walaal iyo saaxiib la taliyo oo xakameeyo lama joogin sido kale baaritaanada waxay sheegen in nafta ay kaga baxday sabab la xiriirta marjida dhuunta xariga ileen wuu is daldalay jirkiisa wax calaamad kale ah laguma arag walina baaritaanka wuu socdaa.

Hadaba Sushant waxay ubadantahay inuu isaga is dilay qofna eed ku laheen dhimashadiisa balse xanuun Depression ah aawgiis uu udhintay nafsadana is dhaafiyay hader waxaa la sugaya xiliga la gubaayo meeydkiisa oo galabnimada hindiya ayaa dhow waqtigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here