Inta badan aflaanta Bollywood-ka ay sameeyeen waa la buun buuniyaa ama xayeysiin balaaran ayaa loo sameeyaa balse waxaa jiraan filimo aan la buun buuninin kuwaas oo fariin ahaan heer sare ah qaabka sheekada loo dhigeyna qof walbo soo jiidan karto.

Haddaba waxaan idiin heynaa 5-filim oo sandihii dhawaa Bollywood-ka sameeyeen kuwaas oo aan la buun buunin balse fariin ahaan lagu cesh ceshan karo marka la daawanayo madaama qaab heer sare ah loo dhigay fariintooda waxayna aflaantaas kala yihiin:

Ghanchakkar (2013): waxaa wada jileen Emraan Hashmi iyo Vidya Balan daawasho ahaan waa heer sare balse ganacsi ahaan FLOP ayuu noqday. Qiimeyntiisa sheekada 5.8/10 IMDb.

Wazir (2016): waxaa wada jileen Amitabh Bachchan iyo Farhan Akhtar waa filim dhan walbo heer sare ah balse guul dareestay oo BELOW AVERAGE ah. Qiimeyntiisa sheekada 7.1/8 IMDb.

Mard Ko Dard Nahi Hota (2019): waxaa lagu soo caan bixiyay Abhimanyu Dasani waxaa hooyo u ah atirishadii filimka Main Pyar Kiya sameesay wiilkan filimkiisa kowaad mada daalo dhameestiran ayuu leeyahay balse waa FLOP. Qiimeyntiisa sheekada 7.4/10 IMDb.

Ugly (2014): waxaa wada jileen Rahul Bhat, Tejaswini Kolhapure, Vineet Kumar Singh, Girish Kulkarni, Ronit Roy, Surveen Chawla iyo Anshika Shrivastava waa filim sheeko ahaan xiiso badan balse FLOP noqday. Qiimeyntiisa sheekada 8.1/10 IMDb.

Bhootnath Returns (2014): Waxaa wada jileen Amitabh Bachchan, Parth Bhalero iyo Boman Irani waa filim heer sare ah fariin ahaan balse guul dareestay oo BELOW AVERAGE ah. Qiimeyntiisa sheekada 6.7/10 IMDb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here