Fanka Koonfur Hindiya qaybihiisa kala duwan hormar balaaran ayuu gaaray haatana lama dhihi karo waa fan goboleed madaama daafaha caalamka xitaa siweyn looga daawado aflaanta ay sameeyaan waxayna ku caan baxeen dhawaanahan sameynta aflaanta tayo wanaagsan oo dhan walbo ka dheeli tiran.

Haddaba waxaa beryahan laga doodayaa 5-filim oo dhawaanahan Koonfur Hindiya sameeyeen kuwaas oo mudan in Bollywood-ka dib u sameeyaan si sheekooyinkan looga dhigo kuwa Hindiya oo idil laga daawan karo madaama aflaantan fariin heer sare ah xambaarsan yihiin ganacsi wacana ka sameeyeen gobolada Koonfur ee laga leeyahay.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada iyo goos gooska 5-taan filim ee Koonfur Hindiya ku faanaan qaabka ay fariintooda u dhigeen haatana lasoo jeedinaayo inay Bollywood-ka dib u sameeyaan si dad badan u daawadaan:

1) Asuran (Tamil): filimkan Blockbuster-ka weyn noqday sanadii hore Superstar Dhanush ayaa sameeyay, haatana asigoo Telugu ah waxaa sameenayo Venkatesh sidoo kalena waxaa la isla dhex maraa asigoo Hindi ama Bollywood ah in la sameyn doono dhawaan.

2) Vikram Vedha: kani waa Tamil Blockbuster ah sheekadiisa Bollywood-ka weyba soo iibsadeen waxaana la isla dhex maraa in Aamir Khan iyo Saif Ali Khan ku xifaaltami doonaan oo ay kala matali doonaan doorarki R.Madhavan iyo Vijay Sethuapthi sida weyn loogu amaanay.

3) Lucifer: kani waa filim Malayalam ah oo Blockbuster taariikhi ah noqday sanadkii horena waxaa ku xarakeeyay Superstar Mohanlal haatan aisgoo Telugu ah ayaa dib loo sameenayaa oo Mega Power Star Chiranjeevi ayaa hogaamin doono waxaana la isla dhex maraa in asigoo Bollywood ah in la sameyn doono.

4)Bangalore Days: kani waa filim Malayalam ah oo HIT weyn noqday sanadii 2014 aadna looga helay fariintiisa degan shactiradana xambaarsaneyn waxaana wada jileen Dulquer Salmaan, Fahadh Faasil, Nivin Pauly, iyo Nazriya Nazim, haatana waxaa macquul ah asigoo Bollywood ah in dib loo sameeyo.

5) Android Kunjappan: kani waa filim Malayalam ah oo qayaaliga seyniska ka hadlaayo sanadkii hore ayuu HIT weyn noqday weliba waxaa siweyn looga helay bandhigii cajiibka badnaa uu shaashada ka muujiyay Suraj Venjaramoodu haatana la yaab ma noqon doono asigoo Hindi ama Bollywood ah haddii dib loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here