Sanadkan 2020 sanad wanaagsan uma ahan shirkada Bollywood-ka ee aflaanta sameeyaan madaama qasaaro xoogan la kulmeen balse shirkada qaar waxay ku bad baadeen in aflaantooda shaqo ahaan dhameestiran ka iibsadeen shirkada adeega mada daalada sida Online-ka ah u bixiyaan. Sidaa darteed waxaa harsan 5-filim oo xiiso badan kuwaas oo si Online ah ama Internet-ka looga daawan doono inta sanadkan ka harsan:

Durgavati waxaa la daawan doonaa 11 December 2020 barta Amazon Prime ayaa laga daawan doonaa waxaana hogaamiye ka ah Bhumi Pednekar.

Coolie No. 1 waxaa la daawan doonaa 25 Dec 2020 waxaa laga daawan doonaa barta Amazon Prime waxaana hogaamiyaal ka ah Varun Dhawan & Sara Ali Khan.

The Big Bull waxaa la daawan doonaa dabyaaqada bishan November ama horaanta December waxaana laga daawan doonaa barta Disney+Hotstar halka Abhishek Bachchan hogaamiye ka yahay.

Bhuj – The Pride of India waxaa la daawan doonaa dabyaaqada December 2020 waxaana laga daawan doonaa barta Disney+Hotstar halka Ajay Devgn, Sanjay Dutt iyo Sonakshi Sinha hogaamiyaal ka yihiin.

Torbaaz waxaa la daawan doonaa bisha December ee nagu soo fool gudaheeda barta Netflix ayaa laga daawan doonaa waxaana hogaamiye ka ah barta Netflix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here