Fanka Tamil ee loo yaqaan Kollywood xaruntiisana tahay magaalada Chennai wuxuu ku jiraa waqti wacan madaama ay heestaan Super Stars awood badan oo Koonfur Hindiya kaliya laga jecleyn sidoo kalena dhamaan daafaha caalamka laga taageero balse sanadkan 2020 qasaaro xoog leh ayaa fankan soo gaaray madaama filimaan waa weyn tiyaatarada la saarin saameynta karoonaha awgeed.

Haddab waxaan idiin heynaa 5-filim oo waa weyn Tamil ama Kollywood iska leeyihiin ee siweyn loo wada sugaayo lana daawan doono 6-bilood ugu horeyso sanadka nagu soo fool leh 2021, waxaana xusid mudan in filimadaan badankooda sanadkan 2020 la daawan lahaa balse dib loo dhigay madaama tiyaatarada in mudo ah xirnaayeen:

1. Master waxaa hogaamiye ka ah Superstar Vijay waxaana ku wehliyaan Vijay Sethupathi  iyo Malavika Mohanan qorshahana wuxuu yahay in bisha Janaayo 2021 la daawado feestada Pongal.

2. Indian 2 waxaa hogaamiye ka ah Superstar Kamal Haasan halka Shankar uu Director ka yahay waxaana doorar muhiim ah ku leh Kajal Aggarwal iyo Rakul Preet Singh waxaana la daawan doonaa April 2021.

3. Valimai waxaa hogaamiye ka ah Superstar Ajith Kumar waxaana kula jirto Huma Qureshi mashruucana waxaa la qorsheehaa in May 2021 la daawado.

4. Jagame Thandhiram waxaa hogaamiye ka ah Superstar Dhanush waana filimkiisa 40-aad ee uu hogaamiye ka yahay waxaana la qorsheenaa in Febraayo 2021 la daawado.

5. Doctor waxaa hogaamiye ka ah xidiga caanka ah Sivakarthikeyan waxaana ku wehliso Kalyani Priyadarshan waxaana la qorsheenaa in la daawado Maarso 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here