caalamka waxa uu leeyahay goobo badan oo qurux badan taaso aad mar waliba ku hamiso inad aado ama booqato si aad waqti fiican ugu qaadatid laakiin waxan ku haaya 5 meelood e loo Aqoonsaday inay yihiin goobaha ugu qatarta badan caalamka taaso ay ku jirto dalkeena soomaaliya sida maqaalka loo daabacay waana arrin la yaab igu noqotay in soomaalia ay ka mid Tahay meelaha ugu qatarta badan caalamka waana xog ay diyaarisay ama qortay majalada ka faaloota arimaha caalamka (humornation)
fadlan hoos ka bogo warbixinada 5 meel ugu qatarta badan caalamka
Antarctica

meeshan waa dhul aad u weyn oo wada baraf ah oo noole bini’aadam uu ku noolan karin qabow darteeda waxa uu heerkulkiisa hoos u dhacsan yahay 90 degree waa 0 oo hadda ku xanuunsato ma helaysid qof ku caawiya
maadama aysan isbitaal lahayn xitaa qof dagan meeshaas ma jirto waana goob ka mid ah kuwa Ugu qatarta badan caalamka
Somalia

waxa somalia loo yaqaan dhul u taranta kaliya burcad badeedka gacan ku dhiiglayaasha kuwa qaraxa sameeya iyo dhalinyaro aan waxbarasho la’aan laakiin waxa ay si fiican u yaqaanan sida hubka loo isticmaalo taaso dowlad walba oo timaado ay fashalinto inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas
iyadoo dadka ka imaanaya caalamka inta aysan soomaaliya aadin la siiyo digniino fara badan oo hadaad imaanayso soomaaliya waa inaad caanshuur siisa policeka si ay ku difaacaan soomaaliya ayaa kaalinta labaad kaso gashay liiskan
Danakil Desert

meeshan waxaa lagu tilmaama dhulka ugu naxriista daran ee caalamka oo hadaad doonayso Inad booqato waxa marka hore ka diidaya dowladaada madaama dhulkan uu yahay goob weligeeda laysku dagaali jiray
iyadoo dad badan halkaas ay ku maqan yihiin taaso aan la ogeyn in la afduubay iyo in la dilay mana ahan goob uu ka ak dhow yahay bad ama meel la dago
Afghanistan

meeshan waxa lagu qeexa dhulka ismiidaaminta maadaama uu maalin walba halkaas uu ka dhaco qaraxyo waa weyn taas9 ay ku dhintaan boqolaal qofood mana ahan dhul lagu noolaan karo xitaa hal maalin madaama amnigiisa uu aad u xun yahay adigana aad heli karin qof ku ilaaliya maxaa yeelay xitaa dowlada ayaa amnigeeda u cabsata
Snake Island
dhulkan waa mid gaar ah oo ay leeyihiin masaska noocyadiisa kala duwan sida copra waxaana ku nool masaska kuwood ugu qatarta badan caalamka kumana arkaysid qof Bini’aadam ah maadaama aysan isla noolaan karin masaska qatarta leh waxaana jasiiradan ay u dhex taala wadanka brazil laakiin dowlada Brazil waa ay ka mamnuucday inuu qof aado meeshan waxaana loo xilsaaray quburo ku xeel dheer masaska

