Bollywoodka ma aha oo kaliya inay aflaamtooda kusoo bandhig aan xariirada qoyska sidoo kale aktar walba waxa uu leeyahay qoys kaaso ka kooban shaqsiyaad fara badan
laakiin sida aan aflaamta ka aragnay aktar filimka waxa uu markasta saaxiib dhow la yahay dumaashidiisa isagoo marar qaar ugu imaada tusaale sidoo kale waxa uu baraa gabadha uu jaceyl yahay iyadoo midaas ay tahay mid aan ku aragnay aflaamta haddaba waa sidee nolosha dhabta
sidaas darteed waxaan maanta ku hayaa 5 aktar kuwaaso si xariir wanaagsan la leh dumaashiyadooda
Aditya Roy Kapur Iyo Dumaashadiisa Vidya Balan

vidya balan waxaa ay u dhaxda aktarka aditya roy kapur walaalkiisa soo saaraha weyn ninka lagu magacaabo sidhhart roy kapur kaaso guursaday sanadkii 2012
laakiin aditya waxa si weyn u xushmeeyaa dumaashidiisa vidya balan isagoo la wadaaga wax walba oo noloshiisa ku saabsan isagoo sheegay inuu mararka qaato go’aanada dumaashadiisa
Uday Chopra Iyo Dumaashidiisa Rani Mukerji

Rani mukerji waa xaaska directorka caaka ab ee aditya chopra kaaso ah walaalka aktarka uday chopra iyadoo rani mukerji ay guursatay aditya sanadkii 2014 laakiin aditya ma ahan shaqsi jecel inuu xaaskiisa u kaxeeyo magaalada marka ay u baahan tahay inay wax soo iibsado
taas badalkeeda uday chopra waxa uu xilli walba jecel yahay inuu caawiyo dumaashidiisa waxaana dhawr jeer la arkay iyagoo wax ka magaalada shopping ka sameenayaan
Ishaan Khatter Iyo Dumaashadiisa Mira Rajput

aktarka dhawaan-galka ah ishaan khatter ayaa waxa uu saaxiib dhow la yahay dumaashidiisa mira rajput taaso u dhaxda walaalkiisa shahid kapoor isagoo mera ka dhigtay saaxiib waxaana dhawr jeer la arkay ishaan oo magaalada mira u casho geenaya
Varun Dhawan Iyo Dumaashdiida Jhanvi Dhawan

varun dhawan waa shaqsi aad u jecel qoyskiisa sidoo kale aktarkan waxa uu si aad isugu dhow yihiin dumaashidiisa Jhanvi dhawan taaso uu qabo walaalkiisa Rohit Dhawan
sababtoo ah jahnvi waa shaqsi kaliya taaso og waxa uu Varun dhawan samayn doono maadaama uu dumaashidiisa la wadaaga arrin walba oo noloshiisa ku saabsan
Sanjay Kapoor Iyo Dumaashidiisa Sunita Kapoor

Sanjay kapoor waxa uu saaxiib dhow la yahay dumaashidiisa Sunita kapoor taaso ah xaaska aktarka Anil kapoor aktarkan ayaa xilli walba waxa uu baraha bulshada ku muujiyay xariirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dumaashidiisa sunita isagoo sheegay in Sunita ay ka caawisay waxyaabo badan oo noloshiisa kor u qaadayn