Rehna Hai Terre Dil Mein waxuu noqday darajo ahaan Flop balse waa mashruuc Classic ah oo dadka xili dambe ka war heleen waxaana wada jileen R.Madhavan, Saif Ali Khan iyo Dia Mirza inaba caadi ma ahan Director Gautham Menon habka uu sheekada u dhigay.

Mashruucan jaceylka Soomaalida xili ayee xiiseyn jirtay shalay oo kale 19 Oct 2001 ayaa la daawaday Tv-yada ayuu si weyn kaga gadmay xiliyo dambe atooraha Filimkaan R.Madhavan mudo 5 maalmood ah ayuu jaceyl kaga keensana gabar la guursan rabo waliba isagoo iska dhigaayo wiilka guursan rabo.

R Madhavan and Dia Mirza's cute banter on #18YearsOfRHTDM will give you all the feels!

Waa dib u sameynta Filimka Tamil-ka ah ee Minnale oo isla R.Madhavan hogaaminaayo aad ayaa loogu ammaanay xidigaan bandhigiisa wacan iyo xifaaltanka isaga iyo Saif Ali Khan dhexmaraayo.

Hadaba Dia Mirza oo ahed atiriishada Filimkaan ayaa soo dhigtay Twitter-ka sawirka sare idiin kaga muuqdo waxayna taageerayaasheeda weydiisay hadii ay jirto xusuus gaar ah ama qiso jaceyl oo ay Filimkaan ku xasuusan karaan.

Adiga ahaan Akhriste Filimkaan qiso gaar ah aad ku xasuusato majirtaa maxaase ka xasuusataa Filim ahaan sida heesaha, oraahda la adeegsanaayo iyo wixii lamid ah nala wadaag mid kamid ah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here