Kiiska Sushant Singh meel layaab leh ayuu marayaa xidigaan oo geeriyooday 14-june 2020 ayaa wali lasoo xiri la’yahay kiiskan waxuuna hader marayaa in qoyskiisa is-dilkiisa dusha ka saareen gabadhii uu saaxiiibka la ahaa Rhea Chakrabory balse waxaad moodaa in Rhea cadeymo badan lagu heli doono.

5-Qodob uu shaaca ka qaaday ninka waardiyaha u ahaa ama ilaaladiisa qaaska ahaa Sushant saxaafada ayaana wareysatay waxuuna sheegay arimo xoojinayaan in Rhea iyo qoyskeeda dhib badan u geesteen Sushant hadaba hoos kaga bogo 5-qodob uu shaaca ka qaaday.

Rhea iyo qoyskeeda oo lacagta Sushant xaflado ku qarash gareyeen:

Ninkaan ayaa sheegay in Sushant iska ahaa qof aan inta badan ka helin xafladaha sidaa aawged Rhea iyo qoyskeeda ayaa marwalba xaflad ku dhigan jiree guriga Sushant xili lacagtiisa halkaas si weyn loogu isticmaalay xitaa Rhea walaalked Showik ayaa mararka qaar xaflad dhigan jiray intuu saaxiibadiis u wacdo lacagta Sushant halkaas ayee ku baxeysay.

Xiliga Sushant xanuunsaday:

Waardiyaha ayaa sheegay in Sushant dalxiis u raacay Rhea iyo dadkale markuu yurub kasoo noqday ayuu xanuunsaday oo isagoo xanuunsan ayuuba imaaday waxuuna ahaa qof maalintii oodhan aan guri kasoo bixin oo sariirta iska saaran sida qof daroogeysan oo kale.

Daawooyinka uu qaadan jiray:

Waardiyaha ayaa sheegay in Sushant la siin jiray dawooyin xad dhaaf ah oo xitaa aniga la ii diri jiray si aan usoo iibiyo qoloda Farmashiga markee ka yaabeen dawooyinka xooga badan ee aan iibinaayo waxay iga codsan jireen warqad inaan tuso ee qofka bukaan ah marka Sushant dawooyin xad dhaaf ah ayaa lasiin jiray.

Shaqaalaha guriga oo la bedelay:

Ninkaan ayaa sido kale sheegay in Sushant shaqaalihiisa guriga dhamaan ay bedeleen Rhea iyo qoyskeeda xitaa isaga waardiyaha ahaa bishii Febraayo ayaa shaqaada laga ceyriyay waxuuna sheegay in arinkaas fajaciso ku noqotay iyadoo aysan jirin wax sabab gaar ah oo shaqaalahan dhamaantood loo bedelay.

Lacagta Sushant sida loogu tumanaayey;

Waardiyaha waxuu sheegay intii uu guriga joogay in Sushant iska ahaa qof nolol caadi isaga nool oo xitaa haduu banaanka wax ka dalbanaayo wax qaali ama badan ma dalban jirin balse Rhea waxaad moodaa xaasidnimada inee ku dhalatay waa sida uu hadalka u dhigee waxuu sheegay in lacagta Sushant lagu tumanaayey iyada iyo qoyskeedaa si weyn u isticmaaleen waxuu yiri,”macquul ma ahan dalab casho oo la eg seddex maalin cunto la cuni lahaa Rhea iyo qoyskeeda lacagta Sushant sidee doonaan ayee u isticmaaleen.”

1 COMMENT

  1. Hadabo 5 tas qodob aya cadeyn ogu filan poliska dalka hindiya hdii ay run shegayan hasoxiran sushant gabadhii jceylka benta umatashey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here