Superstar-ka reer Telugu Jr NTR oo kamidka ah xidigaha ugu qaab jiliinka wanaagsan koo fur oodhan quluubta malaayiin dad ah ayuu qiiro galiyay hadalkii uu yiri sanadkii 2015 ee ahaa sida tan.

“4-qof laguma kufsan gabadhaas ee 5 qof ayaa lagu kufsaday qofka 5-aadna cidkale ma ahan ee waa aniga, haa aniga si naxariis daro ah ayaan gabadhaas u galnay hal maalin ma aha labo maalin ma aha 40 maalmood ayaan kufsaneynay oo jir dileynay ilaa jirkeeda go’ go’o.”

Oraahdan uu yiri NTR waxay kujirtaa filimka caanka ah ee Temper kaaso ka hadlaayo mowduuca dumarka tacaddiga iyo kufsiga naxariis darada ah loo geesto waana muuqaalka ugu qiirada badan ee NTR filimkaan malaayin dad ah kaga yaabsaday inaba caadi ma aha habkuu u hadlay.

Qofkii daawaday filimkaan ayaa xasuusto oraahdaas xitaa af-soomaaliga dadkii ku turjumeen isla qaabkaas ayee u turjumeen sida turjumaaga Soomaalida waqtigaan ugu weyn ee Yackoo oo ufasiray NTR filimkaan.

13 Fev 2005 ayaa la daawaday Temper waxaana atiriisho ka ah Kajal Aggarwal halka Prakasg Raj (Seerabtaa) iyo walaalihiis laadariin ka yihiin ogowna NTR wax kufsi ah ma geysan ee tuugada sidaas sameeysay ayuu rabay in la ciqaabo maadama uu cadeyn waayayna maxkamada isagaa ka cadeeyay isagoo naftiisa kufurtay sidii gabadhaas cadaalad kuheli laheed.

Haddi aad daawatay Temper manala wadaagi kartaa Akhriste oraah aad ka xasuusato Filimkaan marka laga soo tago oraahda sare ku qoran.

7 COMMENTS

  1. horta zxp filimka simmba waxa lagasoo minguuriyay filimka tember inkastoonay odhaahdaasi ku jirin waxyaabaha aan kuxasuusto waxa kamid ahaa soo daaaa sunaamiga soodaa sunaamiga halkan ayaan ufadhiyayaaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here