Laal Singh Chaddha sheekadiisa waxaa laga soo min guuriyay Filimka American-ka ah Forrest Gump (1994) waxaana isagoo Bollywood ah hogaamin doonaan Aamir Khan iyo Kareena Kapoor oo inaba caadi aheyn muuqaaladooda cusub ee ay mashruucan lasoo bixi doonaan.

25 December 2020 ayaa qorshaha ah in la daawado waxaana Director ka ah Advait Chandan oo horey Secret Superstar u sameeyay halka Aamir Khan iyo Boney Kapoor qarash gareynayaan hadaba sanado kadib Khan iyo Bebo ayaa shaashad wadaagayaan saameyn noocee ah ayee la imaan karaan iyo 5-sabab loo daawan doono bandhigooda Filimkaan hoos kaga bogo:

1-waa labo jilaa shaashada isugu baxdo qaab jiliin ahaan daawadayaasha wey soo jiidan karaan sido kalena jaceylka markee shaashada kuwadagaayaan waa kuwa isku nuurayaan waana la isku raacay midaa waxayna u bixyeen “Iconic Pair.”

Their on-screen chemistry

2-Laal Singh Chaddha waa Filimkooda seddexaad ay kasoo wada muuqanayaan horey waxay u sameyeen 3 Idiots iyo Talaash oo labadaba guuleysteen inkastoo Talaash Bebo Aamir atiriisho u ahen hadana Laal Singh Chaddha ayaa sedexeeyo tirada Filimade isla sameyeen waana wax xiiso leh in la daawado Aamir iyo Kareena oo waqtigaan shaashada jaceyl ku wadaagayaan.

The hat-trick factor

3-Kareena waa taageeraha ugu weyn Aamir: Wareysi ay siisay shabakada Tabloid Bebo waxay shaaca ka qaaday inee si weyn u taageerto Mr.Prefectionist waxayna tiri,”Aamir waa jilaa doorkiisa ka dhabeya muuqaal ahaan xitaa iskuna ekeysiyaa markuu shaashada joogo sida Tom Hanks oo kale aniga waxaan ahay taageerihiisa ugu weyn sido kale Aamir waa atooraha kaliya aan muran galin waayey qaab jiliinkiisa sababto ah atoore walba aan la shaqeeyay waxba ku dhaliilay balse Aamir hal erey oo dhaliil ah xitaa waan u waayey oo wuu iga aamusiiyay.”

Kareena Kapoor Khan is Aamir’s biggest fan

4-Labadoodaba waa shumaca shineemooyinka India: Aamir iyo Kareena waxay ka siman yihiin shaashada horteeda inee daawadayaasha kaga yaabiyaan qaab jiliinkooda cajiibka ah Filimadooda ganacsi ahaan ha guuldarestaan balse waligood qaab jiliinkooda Flop ma noqon marwalbana door cajiib ah iyo qaab jiliin cajiib ah ayee la imaadaan bal kawaran labadan oo la isku keenay misane Laal Singh Chaddha hogaamiya ladhahay.

Delight for cinema lovers

5-Saaxiibo nolosha dhabta is caawiya shaashada maxaad ka filan kartaa: Inta badan muranka dhexda kama galaan xidigahan laakiin markii midkood muran dhexda ka galo kan kale ma aamuso oo wuu difaaca waligood sidaas ayee ahaayen qofkii ugu dambeyay ee hader la difaacay Aamir Khan ayuu noqday wareysi ayuu bixiyay misane kaga hadlay cabsida iyo amni darada dalka India ka jirto iyo in marm xaaskiisa Kiran ay usoo jeedisah inee India isaga guuran dibadana iska dagaan.

Supportive friends make a great pair

Arinkaa dad badan ayaa Aamir kudhaliileen Bebo ayaa ugu horeysay shaqsiyaadkii Khan sida weyn u difaacen waxayna Kareena sheegtay inuusan Aamir wax khalad ah ku hadlin kaliyana uu sheegay xaalada wadanka kajirtay sido kalena waxuu sheegay fikir xaaskiisa la wadaagtay iyo cabsida xaaskiisa gashay ayuu tilmaamay ayee tiri xidigtaan, waa saaxiibo nolosha dhabta ah hadana taageero isku ah Laal Singh Chaddha wacdaro taariikhi ah inee kudhigaan ayaa la filaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here