Maalinta berita ah oo taariikhda ay ku beegantahay 20-ka December waxaa si rasmi ah tiyaatarada loo saari doonaa filimka weyn ee Dabangg 3 kaaso ah mashruuca ugu 2019 si weyna loo wada sugaayo hadaba hoos kaga bogo 5 waxyaabood oo kugu xiiso galin doonaan daawashada Dabangg 3.

Dabangg 3: 5 things you can expect from the Salman Khan starrer

1-Jaceylka dhexmaraao Salman Khan iyo Sonakshi Sinha:

Taxanahan waxyaabaha xiiso u yeelaya waxaa kamid ah muuqaalada Romantic-da ah ee dhexmaro Salman Khan iyo Sonakshi Sinha sida labadii qeybood ee hore lagu arkayba hadaba qeybtaan seddexaad waa lasii adkeyay xili Sonakshi muuqaal qurux badan lasoo baxday.

2-Salman Khan oo dagaal xiiso leh soo bandhigaayo:

Waad iska hilmaami doontaa Dabangg iyo Dabangg 2 marka aad daawato Dabangg 3 Action-ka uu Sallu soo bandhigaayo iyo xarakaadkiisa xiisaha weyn leh inaba caadi ma ahan sida loo diyaariyay waliba hab casir ah.

3-Dib u midowga Salman Khan iyo Prabhudheva:

Qof walba ayaa xusuusta bandhiga Salman Khan ee filimka Wanted iyo sida Action ahaan uu kaga baxsaday ilaa hada daawadayaasha ma aysan hilmaamin akhristow waxaad xusuusnaataa in filimkaas Prabhudheva uu Director ka ahaa hadabaa maxaa ka filan kartaa Dabangg 3 oo uu hadana Director ka yahay dabcan waa xiiso xiiso dhaafay.

4-Gabadha fanka kucusb ee Salee Manjrekar oo kusoo caan baxeysa:

Salman Khan waxuu filimkaan kusoo caan bixinaa gabadha lagu magacaabo Salee Manjrekar oo uu dhalay halyee Mahesh Manjrekar waana atirisho cusub oo Salman shaashada jaceyl kula wadaageyso mashruucan qofwalbana bandhigeeda iyo muuqeeda inuu arko ayuu u xiiso qabaa.

5-Dagaalka ugu weyn filimka oo dhexmaraayo Chulbul Panday iyo Balli:

Inaba caadi ma ahan Chulbul Panday (Salman Khan) iyo Balli (Kichcha Sudeep) dagaalka dhexmaraayo waana waxa ugu weyn oo qof walba ku kalifaayo inuu u daawado Dabangg 3 waa dagaal si weyn loo sameeyay waxaan laadir ku jilaayo Sudeep oo Salman dhuunta u gali doono.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here