Home » Nolosha Jilaayaasha » 5 Xaqiiqo U Gaar Ah Goos Gooska Kooban Ee Filmka Zero Laga Soo Bandhigay!!

5 Xaqiiqo U Gaar Ah Goos Gooska Kooban Ee Filmka Zero Laga Soo Bandhigay!!

Hadal heynta Internet-ka maanta waxaa qabsadeen Shah Rukh Khan iyo Salman Khan kadib markii lasoo bandhigay goos gooska kooban ee filmka Zero.

Zero waxaa Director ka ah Anand L Rai halka ay wada jilayaan Shah Rukh Khan, Anushka Sharma iyo Katrina Kaif waxaana muuqaal marti muhiim ah kuleh Salman Khan ayadoo la daawan doono 21 Dec 2018.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo 5 xaqiiqo u gaar ah goos gooska kooban ee filmkaan Zero laga soo bandhigay….

Xaqiiqada 1aad: SRK magacisa ayaa goos gooskan lagu shaaciyay waxuuna Salman ugu yeera SRK magaca “Bauua Singh” ayadoo aan horey u ogeen in SRK filmadiisa magacyo isk caadi ah sida Rahul oo kale loogu yeero balse waa markii ugu horeysay oo magacan oo kale film loogu yeero waana arin cajib ah.

Xaqiiqada 2aad: SRK oo shuminaayo Salman Khan waa waxa ugu weyn ee maanta Internet-ka laga hadal hayo waxayna midaan muujineysaa saaxiibtinimada ka dhaxeysa labadaan Khan..

Xaqiiqada 3aad: Jilaaga Javed Jaffrey ayaa codkiisa ka maqleena inta goos gooskan soo socda waana shaqsi codkiisa lagu muujiyay goos gooskan kooban..

Xaqiiqada 4aad: Soo galootigii Salman Khan oo dadka xasuusan doonan Dabangg iyo Tiger Zinda Hai maadama Salman goos gooskan kaga soo muuqanaayo muuqaalkisa rasmiga ah ee Salman ahaan waana arin xiiso u yeeshay goos gooskan in ciidan daawadayaasha ku raaxestaan wada shaqeenta SRK iyo Sallu..

Xaqiiqada 5aad: SRK funaanadiisa waxaa ku sawiran ama ku dhagan sawirka Katrina Kaif waxaana macquul ah inuu filmka ku jilaayo shaqsi Katrina taagero u ah waxayna ka wada shaqeenayaan filmkooda labaad kadib Jab Tak Hai Jaan..

Dhamaad..

2 Responses to 5 Xaqiiqo U Gaar Ah Goos Gooska Kooban Ee Filmka Zero Laga Soo Bandhigay!!

  1. Raees yare

    June 14, 2018 at 2:12 pm

    Ali aadan sxb goosgooski hore xitaa shaakadisa katrina aya ku sawiran

    • Ali Aadan

      June 14, 2018 at 2:19 pm

      Haa dabcan qof Katrina taagero ayuu kujilaa filmka sida loo badanyahay qayaas ahan balse waan arki doonnaa