Tiger Shroff Filimadiisa hore sida Baaghi, Baaghi 2 iyo WAR waad hilmaami doontaa marka lala bar bardhigo Baaghi 3 sababto ah dagaal kii u weynaa abid ayuu xidigaan mashruucan ku muujin doonaa inaba caadi ma ahan wararka cusub ee Baaghi 3 laga sheegayo maanta.

Director Ahmed Khan ayaa saxaafada la wadaagay in filimkaan halistiisa wato dadkana la yaabi doonan ficilada dagaal ee Tiger shaashada kusoo bandhigi doono xeer walba iyo xad walba ayuu ka talaabsan doona sida Ahmed sheegay.

40 ilaa 50 laadar dagaal yahano ah ayuu halmar dhulka dhigaa oo uu la dagaalamaa sido kalena 400 baabuur ayuu bur burina inta uu dagaalkan socdo waa filim qarash weyn ku bixi doono.

Dhowaan ayee duubeen muuqaalkan oo booska ama goobta lagu duubaayey in la diyaariyo kaliya 15 maalmood qaadatay sida qaar kamid ah kooxda duubeysay sheegeen muuqaalkaas kaliyana dhowr maalmood kale qaadatay duubistiisa.

Filimka waxaa kaloo jilayaan Shraddha Kapoor oo atiriisho kowaad ah, Riteish Deshmukh ayaa askari la dhashtay Tiger kujili doono mashruucan sido kale atiriishada Tv-yada caanka ka ah ee Ankita Lokhande ayaa atiriisho labaad ka ah mashruucan.

Iyadoo ka hadleysa mar doorkeeda filimkaan waxay tiri,”waligey door noocaan oo kale ah Bollywoodka iyo musalsaladava kuma jilin waa door gabar la jecley ah oo xiriir wacan la leh walaasheed doorkaas ayaan kujili doonaa Baagho 3 waana hubaa daawadayaasha inee ka heli doonaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here