Filimka Baaghi 3 ayaa maalintii shalay aheyd tiyaatarka la saaray asigoona qaab wanaagsan ku furmay inkastoo caqabado ay soo wajaheen hadana Baaghi 3 ayaa si wanaagsan ku furmay maadaama uu yahay filim si waali loo sugaayay.

Tikidka hormariska ee filimka Baaghi 3 sidii la rabay uma gadmin walow uu kaalinta koowaad ku jiro filimada sanadkaan tikidooda hormariska loogu iibsiga badanyahay hadana waxaa caqabad ku noqday Caabuqa Corona-Virus kaasoo dhawaan ka dilaacay gudaha India waliba si xowli ah ku socdo.

Dowlada India ayaa gabi ahaanba goobaha waxbarashada albaabada isugu laabtay si loo xakameeyo cudurkaan wuxuuna filimkaan tikidkiisa hormariska aad uga liitaa magaalooyinka waaweyn gaar ahaan tikidka tiyaatarada dakhliga badan laga helo ee Multiplex waana arin dhaawac u geysatay filimkaan ganacsigiisa maalinta koowaad waliba qiyaastii 30% ilaa 35% lacagaha tikidkiisa ayuu waayay.

Sanadka waa bilow balse durba filimo dhowr ah ayaa soo baxeen waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 5 filim ee tikidkooda hormariska loogu iibsiga badanyahay sanadkaan 2020ka.

1-Baaghi 3; 5.50 crore.

2-Tanhaji – The Unsung Warior; 5.18 crore.

3-Love Aaj Kal; 3.54 crore.

4-Street Dancer; 3.39 crore.

5-Shubh Mangal Zyada Saavdhan; 3.16 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here