tayada aktarka iyo aktarka inuu noqdo mid fanka ku waara waxa laga maar-maan in aktarkan uu samayn karo door walba oo loo dhiibo laakiin waxa jira aktaro qaar oo iska diidaya samaynta doorarka qaar kuwaaso ugu dambayn waxa ay ka haraan fanka jilaanimo

aktarada qaar waxa ay sameeyaan dhawr doorar oo kala duwan sida shactirada , qiirada , jaceylka iyo action laakiin waxaa jira dhawr aktar oo faro ku tiris ah kuwaaso aqbalayn inay shaashada horteeda ay sameeyaan door ay ku jilayaaan dumar

Kamal hassan

kani waa mr. perfectionism-taha dhanka iyo koonfurta isagoo sameeya doorar kala duwan kaaso si weyn loola cajabo aktarkan ayaa hadda ka hor waxa uu ogolaaday inuu shaashada filimka uu ku jilo door haween ah isagoo doorkaas ku sameeyay filimka Chachi 420 waana door lagu xasuusto aktarkan ilaa xiligan

Ritesh Dushmukh

muuqaalka timaha dhaadheer , bishimaha gaduudan iyo socodka Ritesh waxaa la mooda naag kaaso ay ku qaldami karaan rag badan Ritesh dushmik aya doorka haweeneyda uu ku jilaayo waxa uu ku sameeyay aflaamta kala ah Humshakals iyo Apna Sapna Money Money

Shreyas talpade

aktarkan jiliinka wanaagsan laakiin aysan arkin dad inta badan isaga waxa uu lagu soo xasuusta kaliya dhawr doorar kala duwan sida doorka uu dumarka oo kale isagoo lagu xasuusto inuu doorkaas ku jilay filimkiisa Paying guest waxaaba la mooday naag dhab
 ah

Shahid Kapoor

filimkan Milengi Milengi Saw shahid kapoor waxa uu uu sameeyay door  weligiisa aan lagu aqoonin isagoo jilay door haweeney ah taaso leh timo gaagaaban waxaana macquul ah dadka inaysan hore u arkin Shahid kapoor oo jilaaya door haween ah

Amir Khan

yaaba hilmaami karo doorkan waana mid classic ah oo dadka si weyn u xasuustan Amir khan ayaa iska soo dhigay dumar si uu u sameeyo heesta dole dole dil taaso ku jirtay filimka Baazi

sidoo kale Amir khan ayaa mar kale jilay door haweeney ah isagoo xayeesiin u sameenaya shirkada Coco Cola

Govinda

hadad doonayso inad soo xasuusato aktarada sameeyeen doorka haweeney ah waxaa marka ugu horeesa maskaxdaada kusoo dhacaya aktarka govinda iyo filimkiisa Aunty no.1 kaaso ah door shactiro oo classic ah sidoo kale govinda ayaa doorkan oo kale waxa uu ku jilay filimka Raja babu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here