Ranbir Kapoor waxay u yaqaaniin kuwa taxliiliyaan xiriirka jilaayaasha Bollywood-ka dhex maro “Shaqi ku taqasusay kasoo kabashada guul darooyinka xariirada kala duwan” Sababta loogu bixiyay waxay tahay in atirishooyin caan ah jaceyl la wadaagay markii dambena ay kala hareen.

Ranbir wuxuu jaceyl la wadaagay socdaalkiisa nolosha dhanka Bollywood-ka ku xeen daaban Sonam Kapoor, Deepika Padukone, Katrina Kaif iyo Alia Bhatt oo haatan nolosha ku wehliso aadna la isla dhex maraayo inay dhamaadka sanadkan is guursan doonaan ama aqal gali doonaan.

Haddaba Ranbir Kapoor 6-arimood ayuu la wadaagay taageerayaashiisa oo ku aadan sida looga soo kaban karo marka jaceylkaaga ama lamaantaada nolosha idinka ka dhaxeesay meesha ka baxdo ayadoo aan la eegeyn cidda eeda iska leh balse diirada la saarayo xiriirka bur buray sidee looga soo kabtaa si aad nolosha horey ugu socotid:

1. Marwalbo ku dadaal taada inaad ka fikirtid: Ranbir wuxuu leeyahay dhibka jiro waxay tahay qof walbo wuxu jecel yahay inuu ka fikiro ama tiisa ka hormariyo qofka xiriirka kala dhaxeeyo, arintaas ma wanaagsano sida uu isaga qabo waxaa wanaagsan ayuu leeyahay marwalbo taada ka fikir oo haddii aadan dan u arkin xiriirka markaaas wadadid iska haki.

2. Inaad kali ahaatid ma ahan wax xun: waa sax ma wanaagsano cidlo inaad ahaatid balse RK wuxuu leeyahay mararka qaar inaan nolosha kali ahaatid fursado badan ayay ku siin kartaa ee xiriirka haddii uu kaa bur buro cidlada faa’iido u arag ee guul daro ha u arkin.

3. Marwalbo talada lagu siiyo qaado: RK wuxuu leeyahay ragga waxay isku heestaan inaysan talo u baahneyn balse wuxuu leeyahay talada waa muhiim marwalbo oo xiriir kaa bur buro talo weydiiso dadka ka waaya aragsan si ay kuu caawiyaan.

4. Marnaba dib ha u shaleynin: RK wuxuu leeyahay marnaba dib ha u shaleynin sidoo kalena cidna eeda dusha haka saarin inuu masuul ka ahaa xiriirkii bur buray waxaa wanaagsan inaad ka fikirtid waxa xiga ee aad qabsan kartid ee haku mashquulin noloshaadii hore.

5. Marnaba ha hilmaamin saaxiibadaa & qoyskaaga: RK wuxuu leeyahay waxaa dhacdo mararka qaar marka xiriirka kuu baxo ama kuu macaanaado inaad hilmaantid saaxiibadaa ama qoyskaaga kadibna gadaal kasoo xasuusatid markii aad cidlo noqotid sidaa darteed RK wuxuu dadka ku boorinaa in marwalbo aan la hilmaamin saaxiibada kuu dhow iyo qoyskaaga si walbo aad xiriir wanaagsan ula leedahay lamaantaada.

6. Waad ilmeynee, waad ooyee, dhaawac ayaa qalbiga ka gaaray laakiin wax walbo dhamaad ayay leeyihiin: RK wuxuu leeyahay iska ilmee ama iska ooy ha caburin naftaada waaya wax walbo dhamaad ayay leeyihiin weliba waxaa wanaagsan marka aa kaligaa tahay inaan ciil iyo gocosho bogatid kadibna bulshada wax la qeebsatay loomana qaato xiriirkii kaa bur buray inuu ahaa midkii kuugu wanaagsanaa ee waxaa qalbiga la gashtaa xiriirka xigo ee aad sameyn doontid inuu noqon doono midka ugu wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here